Xanuun Dhif Ah: Nin Midabbada Maqal Ku Kala Garta Oo Loo Sameeyey Qalab Ka Caawiya Codka Midabbada

0
592

Neil Harbisson oo ah farshaxan u dhashay Ingiriiska ayaa qaba xanuun dunida dhif ku ah oo sababaya in aanu arki karin midabbada oo dhan marka laga reebo caddaanka iyo madowga. Hal-abuurkan oo 39 jir ah ayaa dhibaatada haysata u helay xal aad u yaab badan, kaddib markii uu madaxiisa ku dhex rakibay ateeno ku shaqaynaysa teknoolajiyad suurtagelinaysa in ay midabbada u dhawaq sida muusiga ah oo uu midab kasta gaarkiisa ugu aqoonsado.

Ateenadan oo deymada koowaad u eeg toosh, waxa ay awoodaysaa in ay qabato rakaadka (Frequency) midabbada, kaddibna u beddesho gariir lafuhu dareemaan oo ay gaadhsiinayaa dhegta gudaha. Sida uu sheegayna ateenadaas ayaa awood u leh in gariirkaas madaxiisa ka dhex dhacaya ay u beddesho cod. Codkaas oo mid kastaa midab u gaar ah leeyahay ayaana fursad u siinaya in uu maqlo midabka, sidaasna ku garto, xitaa haddii ay yihiin midabbo aad isugu dhex jira oo u baahan in si dhaqso ah loo sheeg.

Harbisson ayaa ay maskaxdiisa ku barnaamijaysantay nidaamka ateenadan, sidaas awgeed si dhaqso ah oo saxan ayaa ay u sheegi kartaa midab kasta oo ay ateenadu jabaq ahaan ugu sheegto.

Adduunyada waa ku dhif xanuunka ah in qofku uu arko keliya labada midab ee madow iyo caddaanka, kaas oo uu Harbisson la soo dhashay, waxa se xiise gaar ah yeeshay sida dhiirran ee uu ugu babacdhigay in uu ka adkaado xanuunkan, illaa heer uu gaadhay in xilligii uu jaamacadda dhiganayey uu maskaxdiisa qalabkan ku rakibay. “Teknoolajiyaddii ayaa noqotay qayb ahaanshiyahayga ka mid ah” ayaa uu yidhi Harbisson, isaga oo intaas ku daray, “Bilowgii rabshad ayaa ay igu noqotay arrintani, waayo ateennadu ima ay sheegayn midabkii, balse keliya waxa ay ii soo diraysay gariir, wax fikir ahna kama aan haysan midabka hortayda yaalla. Muddo kaddib, maskaxdii waa ay la qabsatay oo ay fahamtay”