Haddii Soomaaligu Marka Uu Guursado Dhabarka Ka Dhirbaaxo Saaxiibkiisa Weli Doobka Ah, Arooska Reer Sudan Saaxiibbadii Jeedal Ayaa Lagu Garaacaa

0
678

Khartuum (Geeska)- Xikmadaha Alle ayaa ay ka mid tahay in uu dunidan ku abuuray ummado kala isir, midab iyo dhaqan ah oo mid kastaa goonideeda u aaminsan tahay in dhaqankeedu ka fiican yahay kuwa kale ee dunida la wadaaga. Wargeyska Geeska Afrika waxa uu maanta akhristayaashiisal a wadaagayaa qormo uu ka soo ururiyey warbixin uu Talefishanka MBC ka diyaariyey caado la xidhiidha arooska oo ay dhaqan u leeyihiin qabiil ku dhaqan dalka Sudan oo lagu magacaabo Al-jacaliyiin.

Qof kasta oo ka dhashay qabiilkan, haddii uu noloshii baadiyaha ku xidhan yahay iyo haddii uu yahay reer magaal dhammaystay waxbarasho heer jaamacadeed ah iyo xataa kuwa u tacaburay qaaradda Yurub, waxa ay leeyihiin caado aanay marnaba ka tegin xilliga arooska oo ah in jeedal lala dhaco ragga ay saaxiibbada ama walaalaha yihiin ninka arooska ah ee xafladdiisa la joogo. Qabiilka Jacaliyiin oo ah Carab sheegta in ay ku abtirsadaan Nebiga adeerkii Al-Cabbaas bin Cabdal-mudalib, marka uu mid ka mid ahi guursado, waxaa xafladda lagu qabtaa bannaan weyn oo ay isugu yimaaddaan dhalinyaradu rag iyo dumar, ama taandho aad u weyn oo laga dhisay meel fagaare ah, kadib waxaa la qaadaa heeso dhaqameedyo loo garaacayo durbaanno iyo qalab muusig dhaqameed ah, waxaana la boodaa ciyaaro dhaqameed. Arrinta xiisaha lihi waxa ay tahay in dadkan arooska jooga uu ka mid yahay nin sita jeedal dheer oo uu la dhacayo dhalinyarada wiilasha ah ee ay arooska walaalaha ama saaxiibbada yihiin oo isagy go’ cad guntan laakiin feedho qaawan.

Ujeedada caadadani waa in la xaqiijiyey ragannimada iyo adkaysiga ragga ka dhashay ama qoyska arooska ama saaxiibbadiisa dhow, sidoo kale arooska laftiisana ninkan oo qaab ciyaar ah u boodaya ayaa jeedalkan si xoog badan ula dhacaya si isaga qudhiisana raggannimadiisa loo muujiyo, waxaana marar badan dhacda in dhiig badani ka hooro dhabarka iyo garbaha ninka iyo saaxiibbadii jeedalka dartii, mararka qaarkoodna muddo dheer ayaabay qaadataa in ay dhaawacyadaas ka bogsadaan.

Waa farriin qoyska uu wiilku ka dhashay u dirayaan qoyska inantu ka dhalatay uguna sheegayaan in inantooda ay hareero joogaan halyeeyo iyo geesiyo diyaar u ah in ay cadow dhow iyo mid dheerba ka difaacaan, sidaa awgeed ma dhici karto in mid raggan ka mid ah oo jeedal lagu dhuftay uu damqasho muujiyo ama xataa jidhka is geliyo.