Anshaxa Dhowrsoon Iyo Dhaqanka Wanaagsan

0
607

Waa Qoraal Taxane ah uu wargeyskan Geeska Afrika akhristayaashiisa kula wadaagayo qodobbo iyo dhaqamo fure u ah in qofka ku waano qaataa uu ku hanuuno ama ku barto anshaxa dhowrsoon iyo dhaqanka wanaagsan ee uu bulshada ku dhex geli karo sumcaddana kaga heli karo, aakhirana laga yaabo in ay wax badan ka anfacdo. Inta aynaan qodobbadaas u gudbin waxa aynu ku bilaabaynaa tijaabo uu qof kastaa ku hubinayo illaa heerka uu dhaqankiisu gaadhsiisan yahay halkii loo baahnaa.

Mid kasta oo su’aalaha hoos ku qoran ka mid ah si daacad ah ugaga jawaab, Haa ama Maya. Kadib meel ku qoro oo tiro tirada aad ka haysato HAA iyo Tirada aad ka haysato MAYA, jawaabtana dib kala soco:

1. Haddii aad saf  (Kayuu) ku jirto, in aad kalkaaga (Doorkaaga) sugto sabir ma’ u leedahay, mise degdegsiinyo ayaad dareentaa?

2. Cid ma booqataa adiga oo aan ballan hore la lahayn (Xafiisk, Guri, meherad iwm?

3. Haddii qof adiga oo aan ballan la’ lahayn aad booqatay uu ku yidhaahdo, “Mar dambe ballan la’aan ha ii iman. Ma u arki lahayd in uu ku caayay ama wax u dhimay sharaftaada, karaamadii aad u haysay?

4. Haddii qof aad doodaysaan ma ka dhex gashaa hadalka?

5. Ma qaylisaa marka aad cid khaldantay saxayso?

6. Marka aad wax kharibto sida, adiga oo isku dhexdaadiya qolka hurdada, cuntada ama xafiiska, ma jeceshahay in cid kale kaa furato hagaajintooda. Sida, Xaaska, Shaqaalaha IWM.?

7. Sharfidda iyo karaamaynta dadka ma’ u kala hor marisaa sida ay u kala mudan yihiin. Sida, Culimada, Madaxda, macalimiinta iwm.?

8. Shaaraca iyo goobaha danta guud ma ka dhigataa qashin-qub?

9. Ma ka mahad celisaa wixii samaan laguu falo, mase xasuusantahay qofkii kuu falay samaantaa?

10. Haddii dantaadu ku xidhantay in aad shaaraca ama waddada xidhato, ka ku dhiiran kartaa inaad xidhaato? (sida qofka wax ku iibinaya suuqa, ama adiga oo gaadhi wata oo doonaya in aad qof la hadasho, wax iibsato iwm)

11. Ma raali galisaa ciddii wax kaa tabata ama aad gef u gaysato?

12. Qof aad la ballansanayd balse aad ka dib dhacday hadduu ballantii kaaga baxo oo uu iska tago (Habsankaaga dartii) ma ka cadhootaa? Jawaabaha cadadka dambe la soco, Haddii Rabbi Xukmo…