Dhibaatooyinka Xiiqada Oo La Ogaaday In Ay Xidhiidh La Leeyihiin Yaraanshiyaha Faytamiin D

0
627

Berlin (Geeska)- Urur ay leeyihiin dhakhaatiirta ku takhasusay cudurrada sambabka ee dalka Jarmalka ayaa sheegay in haddii ay dhacdo qofka xiiqda lihi in uu dhibtii iyo raadkii xiiqda sii dareemo isaga oo dawadii qaatay inay suurtogal tahay sababta dhabta ah ee arrintaas ku keenaysaa inay tahay Faytamiinka (Vitamin) D oo jidhkiisa ku yaraaday.

Khubarada samaysay daraasaddan cilmiga ah ee dhowaan lagu ogaaday xidhiidhka ka dhaxayn kara Faytamin D iyo xanuunka xiiqda ayaa dhakhaatiirta kula taliyey in ay bukaanka ula yimaadda cabashadan ay la gudboon tahay in ay ku sameeyaan shaybaadh ay ku ogaanayaan heerka Faytamiin D ee jidhka bukaanka ku jirta, si haddii uu hoos u dhacsan yahay looga caawiyo bukaanka soo kicinta faytamiinkan. Waxa aanay xeel-dheerayaashani sheegeen in qofku uu Faytamiin D-ga ka heli karo ilayska qorraxda oo uu isu dhigo maalin kasta hal saac, taas oo ka caawinaysai n uu jidhkiisu soo saaro faytamiinkan. Gaar ahaan noociisa D2. Khubaradan caafimaad oo si gaar ah uga waramaya xilliga jiilaalka ayaa ku taliyey in qofka qaba xiiqdu uu si joogto ah ugu laydhsi tago dhulka hawadiisu nadiifta tahay ee ka baxsan badhtamaha magaalooyinka, gaar ahaan waxa ay ku taliyeen waqtiga duhurkii.

Ururkan Jarmalka ahi waxa kale oo uu sheegay in cuntooyinka qudhooduna ay qofka ka caawiyaan in uu jidhkiisu dib u helo Faytamiin D, iyaga oo si gaar ah hoosta uga xariiqay in kalluunka badda ee duxda leh, sida Tuna-ha iyo Clupea ay yihiin cuntooyinka ugu badan ee qofku haddii uu cuno uu ka heli karo Faytamiinkan muhiimka ah, waxaa iyaguna la mid ah subagga laga shiilo beerka xuudka, beedka intiisa huruudda ah, beerka lo’da iyo caanaha.