Kala Duwanaanshiyaha Xiisaha badan Ee Sida Abuurka Ah Ugu Dhexeeya Dareenka Maqalka Ragga Iyo Dumarka

0
970

Picture7Hargeysa (Geeska)- Waa qayb kale oo ah qormadii ka waramaysay kala duwanaanshiyaha ragga iyo dumarka, qormadan oo aad u xiiso badan waxa ayaa uu Wargeyska Geeska Afrika ka soo qaatay buugga les hommes, Le sexe, etc. ee ay qortay Ellen Willer oo ah saxafiyad qoraa ah oo u dhalatay kuna nool dalka Faransiiska.

Khubarada Saynisku waxa ay xaqiijiyeen in gabadhu ay ninka kaga fiican tahay dareenka maqalka, taas oo ay qaarkood ku xidhiidhiyeen shaqooyinka dabiiciga ah ee Alle (Subaxaanahu) ugu talo galay gabadha, sida hooyonimada, oo uu dareenkan feejigan ee maqalku ka caawiyo in iyada oo habeenkii hurudda ay si dhaqso ah u maqasho oohinta iyo cabashada ilmaheeda.

– Laakiin, Raggu waxa ay gabadha kaga fiican yihiin xaddidista jihada ay sanqadhu ka imanaysa, tusaale ahaan marka uu jabaqda maqlo waxa uu si dhaqso ah u dareemaa dhinaca ay kaga timid, waxa aanay dadka qaar arrintan la xidhiidhiyaan waajibka dabiiciga ah ee ninka saaran oo ah difaaca maxastiisa iyo maalkiisa, sidaa awgeed ah hormoonnadiisu ay abuur ahaan diyaar u yihiin in ay si dhaqso ah u garan karaan jihada cadowgu kaga imanayo.

– Dareenka maqal ee dumarku waxa uu leeyahay awoo dabiici ah oo uu si sahal ah ugu kala saari karo noocyada dhawaqa baxaya iyo weliba cidda dhawaaqaysa, tusaale ahaan iyada oo meel durugsan joogta ayaa ay kala garan kartaa codadka carruurteeda iyo weliba ka’ uu yahay ilmaheeda ooyaya ama dhawaaqaya.

– Gabadhu waxa ay awood dabiici ah u leedahay in ay jisho dhawaqa ay doonto, oo weliba ay keento cod aad ugu dhow codka ay ku dayanayso. Waxaana suurtogal ah in ay taasi sabab u tahay natiijada daraasad ay saynisyahannadu ku ogaadeen in Tobankii ruux ee si qurux badan u keena luuqda fannaan ay heestiisa jilayeen ay Siddeed ka mid ahi dumar yihiin, taas oo noqonaysa in boqolkiiba 80 dumarku jili karaan codka qofka kale, laakiin raggu ay boqolkiiba 20 keliyi hawshaas qaban karaan.

– Awoodaha mucjisada ah ee dareenka maqalka ee gabadhu abuur ahaan u leeyahay waxaa ka mid ah, in ay laba sheeko oo kala duwan hal mar wada dhegeysan karto, tusaale ahaan iyada oo saygeeda la fadhida oo dabcan si fiican u dhegeysanaysa una fahmaysa waxa uu leeyahay in ay sidoo kale maqasho hadallada dad fadhiya miis kale oo u dhow. Gabadha oo barnaamij talefishan ama filim si fiican ula socota ayaa haddana si aan dhib lahayn u dhegeysan karta sheekada dadka ka ag dhow, Laakiin Ragga taasi waa ku dhif. Waxaa iyaduna mucjiso ah in dareenka maqalka ee gabadhu uu leeyahay awood uu ku maqli karo cidda uu dhegeysanayo, isaga oo aanay dhib badan ku haynin codadka buuqa carruurta, talefishanka ama dadka kale ee ka qaylinaya halka ay  fadhido iyo hareeraheeda, taas oo ay ninka si aad ah ugaga duwan tahay.