Guriga Cad: Dhacdooyinka Yaabka Leh Ee Ku Duugan Gudaha Aqalka Looga Taliyo Maraykanka (Q: 2aad)

0
848

Picture8Washington (Geeska)- Guriga cad ee maraykanka oo la aaminsan yahay in uu yahay goobta dunida oo dhan si toos ah ama dadban looga arrimiyo ayaa sheegay qisas badan oo yaab leh, qormadan iyo ta xigta waxa aynu ku soo qaadan doonnaa dhacdooyin taariikhi ah iyo arrimo yaab leh oo muddadii uu gurigan cadi jiray ka dhacay, balse inta badan aan laga war-qabin maadaama oo arrimaha kale ee xiisaha siyaasiga ah leh ee gurigan khuseeyaa ay yihiin kuwo dareenka dadku ku jeedaan, sidaa awgeed ay warbaahintuna waqtigeeda oo dhan geliso, haddaba dhacdooyinkaas taariikhiga ah balse yaabka leh ayaa uu wargeyska Geeska Afrika ka soo qaatay, waa tan qaybtoodii labaad:

– Maal Qabeen: Maxweynihii hore ee Maraykanka John F. Kennedy dabbaal deggii dhalashadiisa ee sannadkii 21aad da'diisa waxa uu aabihii hadyad u siiyey lacag dhan Hal Milyan oo doolar, waa hadyad farxad dhalasho tii ugu qaalisanayd ee soo marta Maraykanka. John F. Kennedy kelidii muu helin hadyaddan qaaliga ah ee aabihii waxa uu hadyado xaddigan le'eg siiyey dhammaan carruurtiisa.

– Dabbaalasho: Madaxweynihii Maraykanka ee John Kuwensi Adams waxa caado u ahayd in uu tooso laba saac ka hor soo bixista qorraxda si uu ugu soo dabbaasho webiga Potomac inta aanu shaqo tegin, arrinta yaabka lihi waxa ay ahayd in madaxweynuhu webigan ku dabbaalan jiray isaga oo qaawan, iyada oo weliba ay goobtu ahayd goob caam ah oo dad badani imanayaan, agagaarkeedana marayaan.

– Khudbaddii ugu gaabnayd: Madaxweyne Bush kii weynaa ayaa maalintii caleemo saarkiisa waxa uu jeediyey khudbaddii ugu gaabnayd ee abid madaxweyne jeediyo, waxaana la sheegay inay ka koobnayd 135 erey oo keliya.

– Madax Qaraabo ah: Xidhiidh qaraabonimo ayaa ka dhexeeyey Madaxweynihi Maraykanka ee George Washington iyo raysal-wasaarihii ingiriiska ee Winston Charshal waxa ay labadan masuul qaraabo ka ahaayeen dhinaca aabaha.

– Madaxweynihii Jeans ka jeclaa: Madaxweynihii hore ee dalka Maraykanka Jimmy Carter oo illaa dhalinyaronimadiisii lagu yaqaannay inuu jecel yahay ku labisashada saraawiisha Jiimska ah ayaa markii xilka uu ku guulaystay waxa uu ballan qaaday in xataa isaga oo madaxweyne ah uu sii wadi doono xidhashada Jiimiska waanu ka dhabeeyey, oo xataa xafladaha rasmiga ah ayaa uu u xidhan jiray saraawiil Jiinis ah.

– Qosol Jacayl: Madaxweynihii hore ee Maraykanka Ronald Regan ayaa la sheegaa inuu aad u jeclaa kaftanka iyo waxyaabaha dadka ka qosliya sidaa awgeedna marka uu joornaallada akhriyayo waxa uu ka bilaabi jiray sawir gacmeeddada dacaayada ah iyo qormooyinka ila qosolka ah, kuwaas oo uu aad ugu qosli jiray, xataa mararka qaarkood oo ay isaga laftiisa ku saabsan yihiin.

– Madaxweyne Xidhan dhar hun ah: Sanadkii 1919-kii ayaa ay warbaahintu faafisay warka ah in madaxweynihii xilligaa ee Maraykanka Wadrue Wilson mar uu la kulmayey qoyska boqortooyada ee Belgium uu ku labbistay shaayad (Laas koodh) baali ah, muwaadiniinta Maraykanka oo tan ka cadhooday ayaa si ay u muujiyaan dareenkooda waxa ay Guriga-Cad u soo direen hadyado xad dhaafa oo suuf ah, si ay u tusaan in Maraykanku hodan ku yahay wax yaabaha dharka laga sameeyo.

– Madaxweynayaal Farac ah: Maraykanka waxa soo maray laba madaxweyne oo ay aabayaashood ahaan jireen madaxweyneyaal, arrinta yaabka lihi waxa ay tahay in labadan madaxweyne aanay aabahood ka dhaxlin siyaasadda oo keliya ee xataa waxa ay qaateen magacyadii aabayaashood, waa Madaxweynihii la odhan jiray John K. Adams oo uu dhalay madaxweynihii la odhan jiray John Adams iyo madaxweyne George W. Bush oo aabihii ahaa George H. W. Bush.