“Nabadgelyadu Waa Shay Ku Qaaliya Umada Reer Somaliland, Aniga Iyo Shacbiguba Ma Nihin Kuwii Shaanida Lagu Baqo Gelinlahaa”

0
611

Picture6Hargeysa(Geeska)-Madaxwaynaha Somaliland ayaa ka hadlay xaaladda dalka, khilaafka xisbiga KULMIYE iyo qaraxyadii labo habeen ka hor ka dhacay caasimadda Somaliland ee Hargeysa.Madaxweyne Siilaanyo oo muuqaal iyo cod is wata lagaga soo duubay xarunta madaxtooyada, iyadoo aanay saxaafadda madaxabanaani goob joog ahayn maka laga reebo Telefishanka Qaranka, wuxuu kula hadlayaa guddoomiyaha xisbiga KULMIYE Md. Muuse Biixi Cabdi. Madaxweynuhu wuxuu hadalkiisa ku bilaabay sidan “Dhamaan waxaan salaamayaa bulshada Somaliland gudo iyo debedba, waxaan jecelahay in aan wax ka idhaahdo labo shay oo inagu cusub, kuwaas oo ah:

A)   Amaanka, iyo Qaraxyada inagu soo kordhay. B)   Khilaafka Xisbiga KulmiyeNabadgelyadu waa shay ku qaaliya umada reer Somaliland, waxay usoo mareen dariiq dheer, waxaynu umad ahaan ku difaacnaa inagoo isku duuban, waxaynu feejigo u lahayn, oo iska illaali naynay, cadaw meel fog inooga yimaada, waxaase ayaan daro ah, in kuwii aan ammaanka u diray iyo kuwii damaca lahaa, ee dalkan inay xukumaan doonayey, laga soo sheego waxyaalo ammaanka ku lidi ah, iyo inay isku dayaan in ay qarankan khalkhal geliyaan.

Waxaan leeyahay qarankan anigaa masuuliyada 1aad iga saarantahay, umma dulqaadanayo mana aqbalayo cidna gorgortan kala gelimaayo ammaanka iyo xasiloonida dalka. Waxaan ku qaban doonaa gacan adag, waxaan la tiigsan doonaa sharciga, aniga iyo shacbiguba ma nihin kuwii Shaanida lagu baqo gelinlahaa.

Khilaafka Kulmiye

Waxaa maalmahan soo baxayey khilaaf xisbiga kulmiye dhexdiisa ah, waan ka xumahay manaan filayn wakhtigan, 

oo waxaan u haystay in aan kala reebay intii is haysay, oo weliba guddi turxaan-bixineed u saaray, taa soo suurta gelisay in shirwaynihii loo soo gebagebeeyo si qurux badan, waxaana halkaa lagu doortay shirgudoonkii maamulayey shirka, Hogaankii Xisbiga iyadoo laysla qaatay in  Golihii dhexe iyo fulintii lagu soo ururiyo shirgudoonka shirka. Waa lagu soo ururiyey waanay soo saareen.

Haddiiba uu soo baxo is-fahmi-waa, waxay ahayd in si hoose loo dhameeyo, hogaanka xisbigu wada fadhiisto, Kaadirka xisbiga loo yeedho,Xildhibaanada la talogeliyo, haddiii taasi dhammayn waayaan xisbigu sharci buu leeyahay dalkuna sharci buu leeyahay. Buuq iyo qaylo toona looma baahnayn.

Arinta Musharaxnimada madaxweynaha ee xisbiga kulmiye ma jirto balan noo dhaxaysay aniga iyo Muuse Biixi habayaraatee, waxa jirtay oo golaha dhexe soo saaray in aan gudoomiyaha ku wareejiyo marka aan ku guulaysto tartanka doorashada madaxweynaha, waxaanan ku wareejiyey bil-gudaheed.

Waxa Xisbigu ii doortay musharaxa madaxweynaha waanan ku guulaystay sharciguna wuxuu I siiyey labo jeer (two terms), waan sharaxanahay diyaa rbaan u ahay cidkasta oo illa tartanta.

Waxay ahaan jirtay dabeecada nidaamka dimuqraadiyadu in la tartamo balse ma dhacdo xisbi xaakin guulaystay oo xisbigiisu la tartamaa. Aniguse waxba kama qabo.

Odayaasha Guurtida waa kumahadsanyihin dedaalka, qiimo wayna waan u hayaa, xaasha ma diidin mana diidi karo oo waxaan ahay ninkii 80 cod ay kaga kexeeyeen duco-qaado,  balse arintani waxay u baahantahay in xisbiga gudihiisa iyo sharcigiisa lagu daweeyo.”