Jid Halbawle Ah Oo Xidhmay Kadib Markii Darwalladii Ay Ku Qamaameen Lacag $1 Milyan Ah Oo Dhulka Daadsan

0
579

Picture6Hong Kong (Geeska)- Arbacadii toddobaadkii hore ayaa waxaa mar keliya is xidhay shaarac weyn oo dhex mara magaalada Hong Kong, kadib markii lacag doolar ahi ay mar keliya ku dhex firidhay dadkii iyo gaadiidkii jidka marayey. Sida uu booliisku ku waramay, baabuur qufulan (Box) oo siday sanduuqyo ay ku jirto lacag ku dhow laba milyan oo doolar ayaa shaaracan maray isaga oo aanu darawalku ogeyn in albaabka dambe ee baabuurku furan yahay, mid ka mid ah sanduuqyadii saarnaana inta uu dhulka u soo dhacay furmay oo lacagtii shaaraca oo dhan ku faaftay. Dadkii lugta ahaa iyo kuwii baabuurta watay oo inta ay joojiyeen ka soo degey ayaa dhulka ku wada foorarsaday si ay nasiibkooda uga qaadaan urursiga lacagtan oo in yar ka yarayd Hal Milyan oo doolar.

Kamaradaha Talefishannada ayaa laga daawaday gaadiidkii oo jidka xidhay iyo dadkii oo wada foorara, laakiin waxaa si dhaqso ah goobta u yimi booliiska oo qaarkood hubaysan yihiin, kuna labisan yihiin jaakadaha rasaastu aanay karin iyo koofiyada birta ah si ay isugu xeeraan dhulka ay lacagtaasi ku firidhay. Inkasta oo uu booliiska lacag badan dib u soo ururiyey haddana waxaa la og yahay in dad badan oo qof kastaa uu qaatay lacag aan qaddarkeeda la garan ay goobtan ka tageen. Booliisku waxa uu markiiba soo saaray digniin uu ku sheegayo in qof kastaa uu lacagtaas iska soo celiyo, “Haddii kale waxaa loo aqoonsan doonaa in uu fal tuugo ah geystay”

Dad badan ayaa markii hore ee ay lacagtan ku qamaameen u fahamsanaa in ruux maalqabeen ahi farxadda sannadka cusub iyo ciidama masiixiga ah awgood u daadiyey lacagtan si dadka magaalada uu uga farxiyo.