Akhir Oo Ha Qoslin: Kaftan Dhex Maray Asxaabigii Mucaawiye (Alle Ha Ka Raalli Ahaado) Iyo Nin Yemeni Ah

0
1299

Hargeysa (Geeska)- Qisaska ku sugan taariikhda Islaamka waxaa ka mid ah kuwo la xidhiidha arrimaha bulshada iyo kaftanka nadiifta ah ee la wadaago iyada oo aan la isugu uur xumaanayn. Qisaska arrintaas la xidhiidha oo mid ka mid ah uu maanta wargeyska Geeska Afrika akhristayaashiisa la wadaagayaa waa kaftan dhex maray asxaabigii weynaa ee Mucaamiye Bin Abi Sufyaan iyo nin muslim ah oo isagu reer Yamaneed ahaa, waxa aanu u dhacay sidan:

– Mucaawiye, “Weligay ma’aan arkin cid ka jaahilsan tolkaa (Yamanta), waa dadka haween boqorad ka dhigtay”

Saxaabigan Alle ha ka raalli ahaado ee waxa uu u duur xulayaa haweenaydii xilligii Nebi Sulaymaan (CS) boqoradda ka ahayd Yemen oo taariikhdu magaceeda Balqiis ku sheegto.

Ninkii reer yamaneed oo kaftan ku difaacaya tolkiisa uu Mucaawiye garaadkooda wax ka sheegay ayaa ugu jawaabay, “Anigaa arkay kuwa ka sii jaahilsan”

– Mucaawiye ayaa ninkan weydiiyey bal in uu sheego cidda kuwaa ka jaahilsan ee uu arkay?

– Ninkiina waxa uu ku jawaabay, “Waxaa ka jaahilsan kuwa uu Nebi Muxammed (SCW) ee markii uu xaqii u sheegay kana codsaday in ay rumeeyaan ugu jawaabay, Ilaahayoow haddii waxa uu Muxammed sheegayaa run yahay, Dhagaxaan Cirka nagaga soo daadi”

Ninkan reer Yemen oo u jeeday qabiilka Quraysh ee uu ka dhashay asxaabigan la kaftamayey ayaa intaas ku sii daray, “Hadday garaad lahaan lahaayeen waxa ay odhan lahaayeen, Ilaahayoow haddii waxaa uu Muxammed sheegayaa xaq yahay  annagana nagu hanuuni”