“Hadalka Ka Soo Yeedhay Guddoomiyaha Guurtida Iyo Qosolkiisu Maaha Wax Shacabka Raaligelinaya, Waxayna Jawaabtiisu Ahayd Mid Jees-Jees Ah”

0
678

Picture5Hargeysa (Geeska)-Musharaxa Madaxweyne ku xigeenka Xisbiga UCID Cabdirashiid Cali mataan, ayaa jawaab ka bixiyey hadal doraad ka soo yeedhay Guddoomiyaha Golaha Guurtida Saleebaan Cabdi Aadan, oo ku saabssan Gobolka Awdal iyo Suldaan Wabar, waxaanu sheegay in aan looga fadhiyin inuu hadalkan yidhaahdo Guddoomiyaha Guurtidu, balse looga fadhiyey inuu si toos ah uga hawgalno xaalada ka taagan Gobolka Awdal, waxaanu wax aad loola yaabo ku tilmaamay in Guddoomiyaha Guurtidu aanu ka ergaynin waxna ka qabanin Dagaaladii ka dhacay Saax-dheer, Kalshaale, Taleex iyo sidoo kale xaalada hadda ka taagan Gobolka Awdal, Golaha Guurtiduna u afduuban yahay.

Musharaxa Madaxweyne ku xigeenka XIsbiga UCID Cabdirashiid Cali Mataan oo wareysi gaar ah siiyey Wargeyska Geeska Afrika ayaa sidoo kale ka hadlay safarka Madaxweynaha uu ku marayo Gobolada qaar, waxaanu tilmaamay in wax lala yaabo ay tahay in Gobolka Awdal iyo Borama oo arimo badani u yaalan in aanu ku hakin ee uu iska dhaafo.  “Hadalka ka soo yeedhay Guddoomiyaha Guurtida iyo qosolkiisu midna   maaha wax Shacabka raaligelinaya, waxayna jawaabtiisu ahayd mid Jees-jees ah, waxaanu caddeeyey in arinta Awdal aanu diyaar u ahayn inuu galo, Xaaji Cabdi Waraabe, waxa uu yidhi Dawladdu namay dalban, anaguna ismaanu xilqaamin, halkaasna waxa ka cad in hawshihii ay Guurtidu qaban lahayd in Saleebaan hor taagan yahay, waxa ay ahayd  inuu ka hawl  galo oo uu ka daba tago arinta Awdal, ma dhibayso Ciidamda Gobolka Awdal la geeyey, ma dhibayso dhawaaqa dadka ka soo yeedhaya, Saleebaan horena uguma galin ergo Dagaaladii ka dhacay Kalshaale, Saax-dheer iyo Taleexba, dalka nabadiisu waxa uu ku jirtaa wada hadal, iyo nabadayn oo ah sidii lagu soo caano maalay,  waxaana Saleebaan leeyahay waa lagaga roon yahay taas,Guurtidu waa Hay’adda ugu sareeysa dalka, waana Hay’ad si gaar ah ugu xilsaaran Nabada, hadalkaasi hadal adiga lagaa sugaayey muu ahayn, Guurtiduna inay ku afduuban tahay waad caddeysay, waxaana jeclaan lahaa inaad hadalkaagii dib ugu laabato oo aad barbar dhigto hadalkii Xaaji Cabdi, ee ah maanu is xilqaamin, haddii aad Guurtida tihiina waa la idinka sugayaa inaad is xilqaantaan”.

Musharaxa Madaxweyne ku xigeenka Xisbiga UCID Cabdirashiid Cali Mataan mar uu ka hadlaayey safarkii uu Madaxweynuhu ku tagay Gobolka Awdal, iyo Masuuliyiinta XIlalka ka haya dalka ee Safarkiisa ku wehelinaya ayaa yidhi “Madaxweynaha safarkiisu waa waajib saaran inuu ka war doono oo uu ogaado Bulshada,  laakiin waxa ayaan daro in Xukuumaddi dhamayd haddii ay Wasiiro tahay, haddii ay Wasaaraddo tahay, haddii ay tahay Agaasimayaal Guud, haddii ay Taliyayaal tahay, haddii ay Ciidan  tahay, ii safarka Madaxweynaha ku mashquulaan, dalka shaqooyin badan ayaa  yaala oo ka weyn Safarka Madaxweynaha, in shaqooyinkooda u yaala qabsadaan ayey ahayd, Madaxweynaha in kooban ayaa raaci karta. Ku dhixista uu Madaxweynuhu meel ku dhaxayo hadba waa sida uu qorshaysto,  in Madaxweynaha iyo Waftigiisi sida hilaaca ay ku mareen Gobolka Awdal iyo Borama mid la filayeyna may ahay,dhaliisha aan u hayaana waa Borama oo wax badani u yaaleen inuu soo ag maraa wax laga sugaayey may ahayn”.

Musharaxa Madaxweyne ku xigeenka ee XIsbiga UCID mar uu ka hadlaayey Goboladda Barri iyo doorka ay ku leedahay Xukuumaddani ayaa yidhi “Xukuumaddani wey ku fashilantay inay hanato quluubta dadka Barriga degan,dadkaasi waa dadkeenii waa dad reer Somaliland ah, wey ku filayd intii ALLE ha u naxariiste Cigaal u qoondeeyey in deegankooda lagaga shaqeeyo,  Boqolkiiba Laba (2%), oo ah afar ilaa lix milyan,iska daa mucaawino kale, taas ayey Xukuumaddani ka gaabisay inay si fiican u bixiso, Xukuumaddan Siyaasad xumo ah in qori iyo Ciidan lala cararo mooye, waxa kale ma taqaano, mana hayso Siyaasad nabadayn iyo horumarineed, oo dadka la iskugu keeno”.

Cabdirashiid Cali Mataan oo hadalkiisa sii wata ayaa yidhi “Nimanka soo booqday Buhoodle, maamulka ay doonaan ha ka tirsanaadaan waa Niman deegaanka u dhashay, oo Saddex Calan ayaa iskugu yimid, waxaana leeyahay dadka deegaankaas degan, horumarkiinu waxa uu ku jira inaad ka go’aan qaadataan Maamulka aad ahaanaysaan, Beesha Dhexe iyo Beelaha Galbeedku Xukuumadda Muqdisho wey ku jiraan, laakiin dhibaato ay ku hayaan Goboladoodu ma jirto, ee iyaga ayaa  shaqo tagay, mana ah markaas in Siyaasiyiin Dawladdaha kala ku jira inay dhib idinku hayaan, oo deegaankiina lagu gorgortamaa, waa inay idinka idinka go’daa Maamulka aad raacaysaan, maaha inaad noqotaan Garoonkii lagu ciyaarayey.”

Musharaxa Madaxweyne ku xigeenka  XIsbiga UCID Cabdirashiiid Cali Mataan mar uu ka hadlaayey isbar bardhig  uu ku sameeyey Xukuumaddan uu hogaamiyo Axmed Siillaanyo iyo Xukuumaddii hore ee Daahir Rayaale “Daahir Rayaale markii uu xilka ku wareejiyey Axmed Siillaayno, lix bilood kadib ayuu dagaalkii Kalshaale dhacay, Barri iyo Galbeedba colaad ayaa  laga abuuray, waana tii uu ka dardarmay Daahir Rayaale Kaahin, ee uu ku lahaa Madaxweyne Axmed Siillaayno “Dal iyo Dad midaysan ayaan kaaga tagayaa”, waxayna Xukuumaddani la kulantay dal dhisan, oo dhaqaale leh, oo Caalamku u soo jeestay, laakiin waxa ay ku fashilantay inay dadka ku hagto nidaam furfuran oo qaranimo leh, waxayna ku hogaamisay dalkii musuqmaasuq iyo inay dadkii kala tagaan, waxa ay ku fashilantay Siyaasadii arrimaha Guddaha iyo Arrimaha Dibadda, Siyaasada Arrimaha DIbadu waa Muraayada Siyaasada Arrimaha Guddaha, haddii ta Arrimaha Gudduhu fashilanto ta Arrimada Dibaduna wey fashilmi, waana markii ugu horeeysay ee  la inagu dhaliilo Amnigai Gobolka ama Mandaqada aynu ku nool nahay, ayaan darada kale ee jirtaana waxa weeye in Dhalinyaradeeni marka ay ka soo baxaan Jaamacaddaha ee ay waayaan Shaqo inay tahriibaan ama ay khal-khal  abuuraan,haddii aanu taladda dalka ku guulaysana waxa aanu sameeyn doona qorshayaal badan iyo shaqo abuur badan oo aanu u horseedno Dhalinyarada.”