Ingiriiska Oo Bilaabay In Uu Tababarro Milateri Siiyo Ardayda Wax Ka Barata Dugsiyada Islaamiga Ah Ee Dalkaas

0
874

LONDON (Geeska)- Warbixin ay faafisay xarunta isgaadhsiinta gobalka oo ay leedahay xukuumadda Ingiriisku ayaa lagu sheegay in cutubka tababarrada ee ciidamada Ingiriisku uu waxbarasho milateri siiyo ardayda dhigata dugsiyada Islaamiga ah ee dalka Ingiriiska, arrintan oo qayb ka ah hindiseyaal ujeedadoodu ay tahay xoojinta la xidhiidhka muslimiinta iyo in la dhiirrigeliyo in ay ciidamada galaan si loo helo ciidamo isku dhaf ah.

Warbixintu waxa ay sheegtay in xirfado milateri oo ay ciidamada tababarradu ku bixiyaan madarasadda A-Tawxiid ay ka mid tahay tababarka ciidamada dhulka ee xeeladaha dagaalka dhulka, akhriska khariiradaha, gurmadka degdegga ah ee caafimaadka, xirfadda taliyenimo iyo hoggaaminta ciidamada, daweynta dhaawaca iyo tababarro jidh dhis ah.

Waxa kale oo ay ciidamadu ardayda dugsiyada Islaamiga ah baraan duruus ay kula dagaalamayaan waxa ay ugu yeedheen aragtiyaha qaldan ee la xidhiidha adeegga ciidamada, iyo in la dhiso kalsoonida iyo xirfadda ardayda tababarradan la siinayo.

Warbixintu waxa ay sheegtay in inta aanay ciidamadu tababarradan bilaabin, in ay imaamyada iyo masuuliyiinta masaajidda tusaan casharrada kala duwan iyo xeeladaha ciidan ee ay ardayda barayaan si ay u ogolaadaan in ardayda dugsiyada la baro. Iyada oo laga hortegeyo in dadka qaar u fasirtaan in ardayda muslimiinta ah wax qaldan la barayo.

Warbixintu waxa ay sheegtay in tababarrada ay ciidamada Ingiriisku siinayaan ardayda madrasaduhu ay kaalin ka qaadanayso xoojinta xidhiidhka u dhexeeya ciidamada qalabka sida iyo bulshada deegaanka  oo qaar badan oo ka mid ahi aanay ogeyn taariikhda ah in muslimiintu ay muddo dheer ka soo qayb qaadanayeen adeegyada ciidamada qalabka sida, kuwaas oo ay ka mid yihiin 400 oo kun oo askari oo ka qaybqaatay dagaalkii koowaad ee adduunka.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here