Ig Nobel Prize: 2 Ka Mid Ah Masalooyinka Cilmi Ee Sannadka 2016 Saynisyahannadii Lahaa Ku Mutaystay Abaalmarinta Caalamiga Ah Ee Maangaabnimada (Q.1)

0
522

1Washington (Geeska)- Laba qormo ooh ore ayaa aynu kaga soo warannay shahaadada caalamiga ah ee Ig Nobel Prize, sida ay ku timid iyo ereyada ay ku magacaaban tahay macnahooda, iyo weliba faahfaahin dheeraad ah oo la xidhiidha qaabka dadka loo soo xulo iyo xafladda loo qabto ee ka dhacda hoolka kulliyad ka mid ah jaamacadda caanka ah ee Harvard. Haddaba qormadan oo uu Geeska Afrika afsoomaali u rogay waxa aynu ku soo qaadanaynaa masalada cilmi ee ninkii Ikhtiraacay uu ku mutaystay abaalmarintii ugu dambaysay ee Ig Nobel Prize sannadkan 2016.

Tomas Thwaites oo ah nin u dhashay dalka Ingiriiska ayaa ikhtiraacay hab uu doonayey in uu xog-ogaal ugu noqdo nolosha iyo hab-dhaqanka nololeed ee adhiga, sida uu u nool yahay, sida uu dhexdiisa isu fahmo iyo sida uu u xidhoodho.

Waxa uu sancaystay qalab ah afar lugood oo aad ugu eeg kuwa adhiga, iyo koofiyad wejiga qaybta sare oo dhan qarinaysa oo u eeg madaxa riyaha, waxa aanu go’aansaday in uu muddo adhiga ka mid ahaado, la foofo lana soo carraabo galabtii.

Tijaabadan iyo cilmibaadhistii uga soo baxdayba waxa uu Tomas Thwaites ku ururiyey buug uu ugu magac daray, ‘Ninkii rida ahaa’ (Goat Man: How I Took a Holiday from Being Human). Buugga waa uu Tomas ku sheegay in uu muddo saddex maalmood ah fasax ka qaaday nolosha bani’aadamnimada oo uu ka mid noqday dunida xoolaha, si uu natiijo lagu kalsoonaan karo ugu helo cilmibaadhistiisa.

Warbixintan oo uu Geeska Afrika ka soo xigtay Alcarabiya waxa ay intaas ku dartay in Tomas uu tijaabadan dad badan ka yaabisay ku mutaystay abaal marinta iyaduna dad badan ka yaabisay ee Ig Nobel Prize oo sannadkan loo aqoonsaday in uu yahay cilmibaadhihii ugu maangaabsanaa ee cilmiga soo marary sannadka 2016ka.

Isaga oo ka warramaya sida ay arrintani ugu dhalatay, Tomas waxa uu sheegay in uu ka daalay noloshii dadnimada aadamaha, kadibna uu go’aansaday in uu tago buuraleyda Alps ee dalka Switzerland, halkaas oo uu ka helay fursad u suurtogelisay in uu xoolaha saddexdaas maalmood ka mid ahaado. Tomas oo xidhnaa afartii waaxood ee uu u sanceeyey qaabka u eeg afarta addin ee adhiga, ayaa markii uu abaal marinta guddoomay kadib warbaahinta ku yidhi, “Abaal-marintani sharaf weyn ayaa ay ii tahay” Isaga oo intaas ku daray in uu saddexdaas maalmood tijaabiyey nooc kasta oo ka mid ah nolosha adhiga, sida qaabka hurdada, dhaqdhaqaaqa, cunista doogga, cawska iyo dhirta kale ee cagaaran ee ay cunayeen adhigu iyo qaabka ay biyaha u cabbayeen. Waxa aanu sheegay in xitaa uu isku dayey in ay is fahaam, oo sida wax la hadlaya uu aad ugu dhowaaday.