Itoobiya Oo Shalay Xanibtay Adeega Internetka

0
524

Dalka Itoobiya waxa shalay saacado badan  la xannibay adeegga intetnetka, xilli ay sii kordhayaan dibadbaxyada ka dhanka ah dowladda.

1

Ilaa iyo haatan la ma sheegin sababta dhabta ah ee intarneedka dalkaasi looga xannibay .

Dowladda Itoobiya ayaa mar sii horreysay hawlwadeenno ka tirsan mucaaradka oo dibadda ku nool ku eedeysay in ay baraha xidhiidhka bulshada ee Facebook iyo Twitter ku abaabulayaan dibadbaxyada ka dhacaya gudaha dalka.

Waa markii labaad oo intertnetka  laga xanibayo dalkaasi muddo saddex bilood gudahood ah, iyadoo markii ugu horreysay dowladda ay tallaabadani oo kale ay qaaday bishii August ,xilligaasi oo dalka ay ka dhacayeen dibadbaxyo ballaadhan.

Ugu yaraan 55 qof ayaa axaddii la soo dhaafay ku dhimatay isbuurasho ka dhacday xaflad diimeed ka dhacday gobolka xasaaradda ka taagan tahay ee Oromia, kaddib markii dadkii ka qayb galayay xafladdaasi ay billaabeen in ay dalbadaan madaxbannaani siyaasadeed.

Kooxaha mucaaradka ayaa ku eedeyay xoogagga amniga dalkaasi Itoobiya in ay rasaas ku fureen dadkii xafladdaasi ka qayb galayay, arrintaa oo keentay in dadku isku dul daataan..

Ra'iisalwasaare Hailemariam Desalegn ayaa beeniyay eedeymahaasi, waxa uuna dhacdadaasi ku eedeeyay dadka dibadbaxyada dhigayay oo uu yidhi waxa ay sii qorsheeyeen in ay rabshado sameeyaan.

Dadka muddaharaadka samaynayay ayaa gacmahooda oo is-dhaafsan kor u taagayay, taasi oo astaan u ah dibadbaxyada ay dhawaan wadeen dadka ka tirsan qawmiyadda Oromada.

Rabshadaha dhawaan ka dhacayay Itoobiya ayaa salka ku haya qorshe ay dowladdu shaacisay November-tii hore, kaasi oo caasimadda Addis Ababa loogu ballaadhinayo qeybo ka mid ah gobolka Oromiya.

Beeraleyda qawmiyadda Oromada ayaa ka cabsi qabay in tallaabadaasi ay ka barakicin doonto beerahooda.