Qaabka Ay Yuhuuddu U Aasto Maytideeda: Qaraabada Maydku Kab Ayaa Ay Bixinayaan Marka La Tacsiyadaynayo, Waxaana Qalad Ah In Xabaasha Kadib Guriga Toos Loogu Noqdo

0
559

Tel Aviv (Geeska)- Waa qaybtii Labaad una dambaysay qormadii uu Geeska Afrika afsoomaaliga u rogay ee uu Dr. Maxamuud Jaabir oo ku xeeldheer, daraasaadka dhaqanka iyo hidda Yuhuuddu ku falanqaynayey qaar ka mid ah dhaqannada yaabka leh ee Yuhuudda lagu yaqaanno xilliga aaska maydka.

Marka la dhamaystiro aaska, ayaa mar keliya dadka xabaasha dul taagani dib u dhaqaaqayaan qiyaas afar dhudhun ka durugsan xabaasha, waxa aanay u istaagayaan qaab safaf ah, oo laynkii kastaa aanu ka yarayn toban nin, safafkaas kuma jirayaan dadka qaraabada dhow la’ ah maydka. Mararka qaar waxaa suurtogal ah in safafku uu noqdo shan qof, iyada oo dabcan ku xidhan tirada guud ee dadka jooga xabaasha. Qofka qaraabo ahaan ugu dhow maydka ayaa isaga oo labadiisa kabood mid ahaan bixiyey, oo kab keliya ku socda waxa uu soo dhex marayaa dadkan safafka u taagan, kadibna qof kastaa waa uu tacsiyadaynayaa.

Marka qabriga laga soo noqdo, waxaa dhaqan ah in ciid dhulka laga soo qaado iyada oo weliba lala soo xantoobinayo caws yar, kadibna cawskaas iyo ciiddaas yare e uu soo qaatay markii la soo fujinayey ayaa qof kasta oo xabaashka gudaheeda ka soo baxay dusha in yar lagaga saydhinayaa, waxa aanay sheegaan in ay tahay hab qofka lagu xasuusinayo in aynu (Aadamaha) asalkeenna hore ciid ka nimid. Sidoo kale doogga ama cawska dhulka laga soo fujinayaana waa calaad la isku xasuusinayo isa soo-saarka qiyaamaha ee dadka dhintay Alle dib u soo noolaynayo, sida ku jirtay kitaabka tawraat ee Cahdiga hore, oo macnaheedu yahay, “Waxa ay uga soo dhex widh-widhayaan magaalada sida dooggu dhulka uga soo dhex baxo” laakiin waxaa mamnuuc ah in ciiddan la isku saydhiyo iyo in cawskan dhulka laga soo fujiyo, haddii ay dhacdo in maydka la aasayo maalin ciid ah.

Intaas kadib, qofka ugu dhow qaraabada maydka ayaa waxoogaa ciid ah ku shubaya kabtiisa, iyada oo ciiddaasi kabta ku jirta ayaa aanu sii xidhanayaa illaa uu gurigiisa ka gaadhayo. In kasta oo sida uu Dr. Maxamuud sheegayo in muddooyinkan dambe aanay Yuhuuddu isticmaalin dhaqankan ah in qofka maydka qaraabo ahaan ugu dhowi uu kabta ciid ku shubto. Marka xabaalaha laga wada dhex baxo ee bannaanka la tago, dadka jinaasada ka soo qaybgalay waxaa u dhaqan ah in ay dhammaantood gacmaha iyo wejiga ka maydhaan ciiddii iyo boodhkii qabriga ka soo raacay, laakiin haddana qoyaankaas biyaha ay ku maydheen, waxaa mamnuuc ah in la qallajiyo, balse waa la deynayaa inta uu isagu iskii u qallalayo. Waxaa iyaduna dhaqan ah in wax u eeg weelal iyo xitaa taangi biyood la dhigo kadinka qabriga.

Ugu dambayntii Yuhuudda xilliga aaska maytida waxaa caado u ah in qofna aanu biyaha ka cabbin weelka saaxiibkiisa kale gacanta ugu jira, balse waxaa waajib ah in qofkaasi marka uu biyaha cabbo laga rabo in uu dhulka dhigo weelka, kaidbna qofkii ku xigayey uu qaato si uu u cabbo. Waxaa iyaduna dhaqan ah in ugu dambaynta biyaha soo hadha oo dhan dhulka lagu daadiyo, weelka taangigu ku jiray ee xabaasha dul yaallayna aan biyo lagaga tegin ee isaga oo madhan laga tago.

Ugu dambayntii Yuhuudigu marka uu xabaasha ka yimaaddo waxaa mamnuuc ah in uu gurigiisa ama xitaa guriga qof kale galo illaa uu wejiga iyo gacmaha maydho, sidoo kale dhaqanka fiicani waa in mar haddii uu xabaal yimid aanu guriga toos ugu soo noqon ee uu tago macbadka Yuhuuddu ku cibaadaysato muddana iska soo dhex fadhiyo. Dhammaad.