Haddii Ay Dunidu 100 Qof Ahaan Lahayd Sidan Ayaa Ay U Qaybsanaan Lahayd (Q:2aad)

0
583

Washington (Geeska)- Waa qormadii labaad ee taxanihii uu Geeska Afrika ka soo xigtay degelka Internet ka ee 100 People, kana hadlayey qiyaas guud oo qaab boqolley ah u qaybinaysa dadka dunida maanta ku dhaqan oo tiradoodu kor u dhaaftay 7 Bilyan, iyada oo laga eegayo kala duwanaanshiyaha jinsiga, dhaqaala, nolosha iwm.

Haddii dunidu ay boqol qof ahaan lahayd:

– Diimaha:

– 33 ayaa kiristaan ahaan lahaa (Boqolkiiba 33 ayaa ay kiristanku ka yihiin tirada guud ee dadka dunida)

– 22 ayaa Muslimiin ahaan lahaa (22% dadka dunida ayaa Muslimiin ah)

– 14 ayaa haysan lahaa diinta Hindu ga (14% dadka dunida ayaa aaminsan diintan)

–   7 ayaa noqon lahaa Buddhist.

– 12 ayaa ay noqon lahayd isku darka tirada dadka diimaha aan intaas sare ahayn aaminsani.

– 12 ayaan wax diin ah aaminsanaan lahayn, ama ahaan lahaa dad qariya diintooda runta ah oo aan la garanayn.

Luuqada:

– 12 ayaa ku hadli lahaa afka Shiinaha (Dadka ku hadla luuqadda Chinese waxa ay tirada dunida ka yihiin 12%)

–   5 ayaa ku hadli lahaa afka Isbaanishka (Spanish).

–   5 ayaa ku hadli lahaa afka Ingiriisiga

–   3 Ayaa afkooda hooyo uu Carabi noqon lahaa.

–   3 waxa af u noqon lahaa Hindiga.

–   3 waxa ay ku hadli lahaayeen afka Bengaaliga ee Bangladesh.

–   3 boqolkiiba dadka dunidu waxa ay ku hadli lahaayeen afka Portuguese ka.

–   2 Ayaa afka Ruushka ku hadli lahaa.

–   2 Kalana waxa ay ku hadli lahaayeen Afka Japanese ka.

– 62 ayaa ay noqon lahayd isku darka dadka afkoodu aanu ahayn intaas kor ku xusan.

Dadka Qoraal akhriska yaqaan:

– 83 dadka dunida ku nool ayaa ahaan lahaa kuwo akhris/qoraalka yaqaan, (Macnaheedu waa in tirada dadka akhris/qoraalka yaqaan ee dunida ku nooli ay tahay boqolkiiba 83)

– 17 ayaa noqon lahaa dadka dunida inta aan waxna akhriyi karin, waxna qori karin.

Tirada Ragga iyo Dumarka dunida ee Akhris qoraalka yaqaanna:

Ragga:

– 88 Boqolkiib ragga dunida ayaa akhris/qoraalka yaqaanna.

– 12 Boqolkiiba ayaan ragga dunida wax akhriska iyo qoraalka aqoonin.

Dumarka:

– 79 boqolkiiba dumarka dunida ayaa wax akhriyi kara waxna qora.

– 21 Boqolkiiba dumarka dunida ayaan waxba akhriyi karin, waxna qorin. La soco…