Shirkadda Caymiska Takaful Oo Hargeysa Laga Furay

0
653

Picture1Hargeysa (Geeska)-Shirkad casriya oo caymis ah, laguna  magacaabo Takaful Insurance ayaa markii ugu horeeysay dalka laga hirgaliyey.

Munaasibadii lagu daah furaayey Shirkad caymiska ee Takaful, oo si weyn loo soo agaasimay oo lagu qabtay Magaalada Hargeysa, ayaa waxa ka soo qeyb galay Masuuliyiin ay ka mid yihiin Guddoomiyaha Shirkadan Cumar Xaaji Xuseen Cumar Xaashi, Guddoomiyaha Xisbiga Kulmiye Muuse Biixi Cabdi, Guddoomiyaha Golaha Wakiilada Cabdiraxmaan Cirro, ahna Guddoomiyaha Xisbiga Waddani, Wasiirka Diinta iyo Awqaafta Sheekh khaliil Cabdilaahi Axmed Salaadiin,Culimo awdiin,  Marti-sharaf iyo dadweyne aad u tiro badan. 

Guddoomiyaha Shirkada cusub ee Caymis Takaful, Cumar Xaaji Xuseen, ayaa isagu ka ka warbixiyey ujeedada Shirkadan Caymiska loo aasaasay,, waxaanu sheegay in Shirkadani wax badan ka tari doonto Horumarka dalka,isla markaana ay ku salaysan tahay Diinta Islaamka, lana jaanqaadi doonto Caalamka, waxaanu yidhi isaga oo ka waramaya Shirkadan iyo adeegyada ay qaban doonto  “Waa markii ugu horeeysay ee Somaliland laga sameeyo Shirkadan oo xalaal ah, oo Culimadii Wadanka ugu mudnayd ay hagayaan, oo uu ka mid yahay Sheekh Maxamed Sheekh Cumar Dirir, dadka dhabarka noo fadhiya Sheekh Xasan Cabdisalaan, ee uu ka mid yahay Sheekh Somaliyeed ee caanka ah ee aad wada taqaanan ee Sheekh Maxamed Cabdi Umul iyo Culimo kale, oo aad u tiro badan, sababta aanu u doornayna ay tahay inay nagu ilaaliyaan wadada saxda ah, Shikradu hadafka ay leedahay waa hadaf ka duwan Shirkadaha kale, inuu bixiyo adeeg dhamays tiran oo Caymis ah, oo ku dhisan xalaal oo diiday wax alale wax ay Shareecada Diinta Islaamku reebtay”. Dhinaca kale waxa iyana halkaas ka hadlay Culimo Awdiin, Siyaasiyiintii ka soo qeyb gashay iyo Ganacstadii kuwaas oo guddoomiyaha iyo shirkadaba ku bogaadiyay horumarka ay dalka ku soo kordheen.