Faa’idada Sadaqadada: Nin Muddo Lix Sano Ah Ku Hoos Jiray Ceel Ku Dumay Oo Biyo Iyo Cuntaba Heli Jiray

0
395

Hargeysa (Geeska)- Kitaabka afka Carabiga ku qoran ee Al-Mukhtaar Al-Masuun Min Aclaami Alquruun oo uu qoray Muxammed Xasan Bin Cuqayl Muusa, oo ah kitaab aad u weyn oo uu qisas iyo culuum farabadan ku ururiyey, waxaa ku jirta qiso aad u yaab badan oo ka dhacday Tuule la yidhaahdo Alxamrah. Wargeyska Geeska Afrika waxa uu maanta kharistayaashiisa la wadaagayaa qisadaas oo uu afka hooyo ugu soo rogay, waxa aanay u dhacday sidan:

“ Waxa jiri jiray nin beeraley ah oo ku noolaa magaalada AlXamrah, waxa uu ahaa nin aad u Alle ka cabsi badan, sadaqaddana aad u bixiya sidoo kalana Misaajid ka dhisay degmadiisaa. Madaama oo xilliga uu ninkani jiray uu ahaa intii aan la helin Laydhka iyo guud ahaanba qalabka sida fudud wax loogu iftiinsho, waxa uu ninkani habeen kasta masaajidkaas keeni jiray Faynuus lagu tukado iyo cashada ay isaga qoyskiisu ugu tala geleen, in haddii uu helo cid baahan oo uu ku sadaqaysto uu siiyo, haddii kalana inta uu Masaajidka ku cuno uu salaadda ku sugo masaajidka.

Muddo ayuu ninkani dhaqankan ku dhaqmi jiray, kadib waxa dhacday abaar aad u ba’an oo baad iyo biyo waa badan keentay, waxa gudhay ceelashii biyaha, waxa ay abaartani wax yeello gaadhsiisay beertii ninka odayga ah, maadaama oo uu gudhay ceelkii beerta uu ka waraabin jiray.

Markii ay beertii oontay, ayaa odaygan iyo innamadiisii ay go’aansadeen in ay qotaan ceel cusub bal si ay biyo uga raadiyaan. Muddo ayaa ay ceelkan qodayeen oo hadba inyar ku darayeen iyaga oo naawilaya in haddii aanay quusan ay biyo ka gaadhi doonaan. Nasiib darro ceelkii oo meel aad u fog maraya ayaa maalin maalmaha ka mid ah isku dumay iyada oo odaygii Alle ka cabsiga badnaa guntiisa ku jiro oo kalkiisa uu qodayey.

Innamadii uu odaygu dhalay ee godka la qodayey oo bannaanka ka joogay markii uu dumay ayaa markiiba quustay, maadaama oo ay ogaayeen in dhererka xad dhaafka ah ee godkan arkayeenna sida uu isugu wada dumay. Waxa ay nafta ku qanciyeen in waxan ay qodayeenba ahaa xabaashiisii oo aanay ogeyn, jidka keliya ee u furanina uu yahay in aanay dib u soo faqin, si aanay uga calool xumaan burburka iyo goo’gaa maydkiisa. Go’aanka ay innamadu qaateen waxa uu noqday in aanay godkaas dib u qodin ee ay halkaas ku xabaaleeyaan.

Markii uu ceelku dumay waxa uu odaygu ku jiray god yare hoose oo dhinac uga sii baydhay daloolka weyn ee godka, kaas oo ay ogaan u duween, si ay u gaadhaan jiho kale oo ay biyo ka filanayeen, nasiib wanaagna loox saarnaa dusha sare ee ceelka ayaa markii uu ceelku dumayey ku soo dhacay guudaha, waxa aanu isku daboolay afka godkii hoose ee uu odaygu ku jiray.

Intii aanu muddo badan ku jirin godkii ayaa waxa uu ninkii odayga ahaa arkay cid aanu arkayn oo u keentay isla faynuuskii uu gayn jiray masaajidka iyo cunto la moodo in ay tahay tii uu masjidka geyn jiray habeen kasta. Muddo lix sano ah ayaa uu ninkan Alle ka cabsiga lagu yaqaanay godkan hoostiisa ku noolaa isaga oo si joogto ah u hela cunto iyo biyo, ilayskii faynuuskkuna aanu mar keliya ka damin.

Lix sano markii ay geeridiisa ka soo wareegtay, abaartiina sii daba-dheeraatay ayaa innamadii oo iyagu illaawayba geeridii, xanuunkeediina ka bogsaday waxa ay damceen in ay mar kale isku dayaan ceel qodis. Sahamin badan iyo meelo kala duwan oo ay tijaabiyeen kadibna waxa ay arkeen in ceelka biyo ugu dhowi uu ahaa kii ay qodeen ee ay markaas dareemayeen in ay qoyaankii biyaha gaadheen. Haddii ay taladii rog-rogeenna waxa ay go’aansadeen in ay dib u qodaan ceelkii oo aabahood inta ay ka soo saaraan xabaal caadiya u sameeyaan ceelkana intifaacsadaan.

Waa ceel hore u qodmay oo ciiddii ku noqotay ayuunbaa dib loo soo gurayaa, sidaa awgeed dhib badan kalama ay kulmin in ay gaadhaan halkii uu looxu isku daboolay, markii ay qaadeenna waxa ay ugu tageenba aabahood oo nool oo weliba xaalkiisa caafimaad iyo nololeedba fiican yihiin. Sidii ayaanu ku soo baxay muddo dambana sii noolaa, iyada oo ceelkiina uu noqday mid ay biyo ka gaadheen oo iyagii iyo beertoodiiba waraabiyey.

Qisadani waxa ay tusaale fiican u tahay wanaagga sadaqadda oo laga yaabo in ay sabab u ahayd badbaadista odaygan, sidoo kale Alle ka cabsiga iyo salaadda ayaa iyaguna meesha ku jira.