Gudniinka Oo La Sheegay In Si Ka Duwan Ragga, Aanu Dumarka Waxba Kala Qaban Ka Hortagga Aids-Ka

0
677

Washington (Geeska)- Cilmi baadhayaal muddo waday daraasad caafimaad oo la xidhiidha saamaynta uu gudniinku ku leeyahay ka hortagga cudurka HIV/AIDS ee ragga iyo dumarkaba ayaa soo saaray natiijada daraasaddaas oo ay ku caddeeyeen in gudniinka raggu uu gacan weyn ka geysan karo ka hortagga iyo iska-caabbinta cudur dhaliyaha HIV ee keena AIDS ka.

Xeeldheerayaasha cilmi baadhistan sameeyey waxa ay sheegeen in gudniinka raggu aanu ka hortegin in ninka qaba cudurkani uu u gudbiyo gabadha uu xidhiidhka jinsi la sameeyo, balse uu ninka u faa’ideeyo suurtogalnimada in aanu cudurkaas gabadha hore uga qaadin. Khubarada daraasadda samaysay waxa ay sheegeen in waxtarkaas muuqda ee gudniinku u leeyahay caafimaadka ragga, aanu mid la mid ah u lahayn dumarka iyagana la gudo iyo ta ka sii daran oo ah in gudniinku aanu gabadha cudurka HIV/AIDS uga ilaalin si la mid ah ragga gudan.

Daraasaddan oo si gaar ah loogu eegayey bal in gudniinku uu dumarka ka caawin karo iska-caabbinta qaadista cudur-sidaha HIV/AIDS, waxaana soo baxday natiijadan ah in aanu haba yaraato ee gudniinka dumarku wax saamayn difaac ah ku lahayn cudurkan.

Drs. Maria Auer oo ka tirsan jaamacadda Johns Hopkins iyo koox ay wada shaqaynayeen ayaa iyada oo ka hadlaysa arrintan waxa ay tidhi, "Waxa aanu ku niyadjabnay markii aanu weynay rajadii ahayd in gudniinku si la mid ah ragga dumarkana uga ilaaliyo cudur-sidaha HIV" Dhakhtaradda oo muujinaysa sida ay uga xumaadeen natiijada ay gaadheen ee ah in gudniinka dumarku aanu waxba ka tarin AIDS-ka ayaa tidhi, "Daraasaddan waanu iska joojinnay markii aanu ogaannay in aanay waxba cusub soo kordhinayn"

AIDS-ka ayaa la sheegaa in tan iyo markii la ogaaday Siddeetamaadkii uu dilay qiyaas ah sooddon Milyan, halka dadka uu ku dhacaynaay ku dhowyihiin 40 Milyan oo u badan qaaradda Afrika.