Talooyin Kaa Caawinaya In Aad Subaxda Toosto Adiga Oo Firfircoon, Hurdada Aad Heshayna Aan Qawadayn

0
550

Hargeysa (Geeska)- Qormadan waxa uu Geeska Afrika akhristayaashiisa kula wadaagayaa talooyin muhiim ah oo qofka ku dhaqma ka caawinaya in uu subaxda hore hurdada ka tooso isaga oo firfircoon oo hawlihiisa si dardar iyo tamar ah u gelaya. Haddaba qormadan oo uu Geeska Afrika ka soo xigtay shabakadda Al-Jazeera afka hooyana u rogay waxa ay u dhignayd sidan:

Hurdada ka hor:

– Soddonka daqiiqo ee ka horreeya marka aad seexanayso, waxa aad ka dhigtaa daqiiqado aad u deggen oo aan buuq, shaqo, daawasho iwm midna aanad nafta ku mashquulin.

– Qolka aad seexanaysaa ha noqdo madow, aad ilayska ka damisay, iskana jir in qolka hurdada aad u isticmaasho wax kale, sida in aad dhigato miis aad wax ku akhrido, ama talefishan aad daawato.

– Ku dadaal in aad cashada dedejiso iskana jir in adiga oo hurdo u soo socda aad wax cunto, oo cuntada ka kicisteeda iyo hurdadaadu is-xigaan.

– Waa run in cabbitaanka biyuhu uu caafimaadka jidhka u fiican yahay, laakiin haddana talo ahaan ma fiicna in qofku marka uu hurdo isu diyaarinayo uu cabbitaan badan cabbo. Haddii aad biyahaa ka dheregto waxa ay caqabad ku noqonaysaa hurdadaada, haddii kalana waxa ay kugu keenayaan kaadi badan oo aad habeenkii u kacdo, taasina waxa ay nusqaaminaysaa raaxadii hurdada aad ka rabtay.

– Goor hore seexo, waayo caafimaadkaaga ayaa ay u fiican tahay, waxa aanay kuu suurtogelinaysaa in aad aroorta hore kacdo. Subaxda hore oo uu qofku kacaa waxa ay u fiican tahay caafimaadkiisa iyo in uu helo waqti ay naftu firfircoon tahay oo uu qabsado hawlo badan.

– Halka aad seexanayso ha u dhoweyn Talefankaaga gacanta, ama qalabbada kale ee casriga ah ee la mid ah. La soco…