Gabadh Dhalinyaro Ah Oo Ayeeyadeed Oo Da’ Ah U Sii Xambaarata Shaqada, Markay Weyday Cid Ay Kaga Tago

0
736

Picture5Beijing (Geeska)- Gabadh dhalinyaro ah oo u dhalatay dalka Shiinaha ayaa go’aansatay in sida keliya ee ay ku gudi karto abaalka ayeeyadeed oo soo korisay, balse hadda da’ ah, ay tahay in ay mar kasta cid la’aanta ka ilaaliso, una wehel yeesho si wixii ay u baahato uga caawiso, taasina sida keliya ee ay ugu suurtogashay waxa ay noqotay in xataa marka ay shaqadeeda tegeyso ay sii xambaarto illaa goobta shaqada, kadibna fadhiisiso meel aan ka fogeyn si ay ugu yaraan u weheshato dadka macaamiisha ah ee ay u shaqaynayso inantu iyo dhaqdhaqaaqa shaqo ee goobta ka socda.

Warkan oo uu Geeska Afrika ka soo xigtay wargeyksa Daily Mail ee ka soo baxa dalka Ingiriisku waxa uu intaas ku daray in gabadhan dhalinyarada ah oo lagu magacaabo Hong Lee Hua oo 24 jir ahi ay xal u noqotay muran iyo khilaaf qoyskooda ka dhex qarxay oo ku aaddanaa ciddii daryeeli lahayd ee guriga ku hayn lahayd ayeeyadood Wan Zongsiu oo 88 jir ah, waayo qof kastaa shaqo ayaa uu guriga uga baxayaa oo guriga cidi uma sii joogayso daryeelkeeda.

Gabadhan oo iyadu sida ay sheegtay daryeel dheeraad ah iyo korin gaar ah ayeeyadeed ku qabtay ayaa aad uga xumaatay in maanta markii ay hawlgabto la isku tuur tuuro daryeelkeeda, waxa aanay qoyskeeda u sheegtay in hadda kadib iyada looga hadho arrintaas. Maalintaas wixii ka dambeeyeyna waxa ay go’aansatay in meel kasta oo ay tegeyso ay u sii kaxaysato ayeeyadeed, xataa shaqada oo inta ay u sii xambaarto ay saacadaha shaqada meel aan ka fogeyn fadhiisiso hadba waxa ay u baahan tahayna siiso, iyada oo islaantuna wehel iyo maararrow ka dhiganaysa hadalka iyo dadka goobta shaqada u imanaya, Huang Lihua oo arrintan wax laga weydiiyey ayaa sheegtay in ay doonayso in ficilkeedani uu mahadnaq iyo abaal gud u noqdo ayeeyadeed oo ay og tahay in ay iyaduba yaraanteedii ku soo daashay xambaaristeeda iyo daryeelkeeda, meel kasta oo ay tegeysana u sii kaxaysan jirtay, xataa marka ay suuqa ka soo adeeganayso ama saaxiibbadaheeda salaanta ugu tegeyso.