Dowlad Shaqaalaysiisay Wiilal Xidhanayo Dhar U Ekeysiinaya Daanyeer, Si Ay Daanyeero Ula Dagaallanto

0
638

Picture4Delhi (Geeska)- Dowladda dalka Hindiya ayaa dhowaan shaqaalaysiisay 40 wiil oo da’da hadda uun koraysa ah, si inta loo xidho dhar u eekaysiinaya daanyeerro ay isaga dhigaan daanyeero, kadibna loogu cabsi geliyo daanyeerro tiro badan oo maalmihii u dambeeyey dhibaato ku hayey dhismaha baarlamanka iyo dhismayaasha kale ee xukuumadda Hindiya.

Warkan oo uu wargeyskan Geeska Afrika ka soo xigtay Jariirad lagu magacaabo Times Of India cadadkeedii soo baxay Jimcihii tegey, ayaa sheegaya in dhalinyaradan daanyeerrada loo adeegsaday mar kasta oo ay daanyeerradaas didiyaan gunno loo siin doono lacag u dhiganta 11.5 illaa 13 doolarka Maraykanka ah. Waxaana laga rabaa in bishii 15 jeer yimaaddaan dhismayaashan dowladda ee ku yaalla caasimadda si ay danayeerradaas u moodsiiyaan in daanyeerro ka waaweyn oo ka awood badani goobta timi, kadibna sidaas ku guuraan.

Daanyeerkan khaatiyaanka laga taagan yahay dalka Hindiya ayaa la sheegay in uu qasab ku galayo xafiisyada dowladda oo marar badanna ay u suurtogashay in ay jeex jeexeen dhukumantiyo muhiim ah oo xafiisyada yaallay iyo in ay digadooda ku wasakheeyaan xafiisyada iyo shaaracyada ka ag dhow. Sidoo kale daanyeerradani waxa ay weerar joogto ah ku qaadaan qof kasta oo ay arkaan in uu sido wax ay cuni karaan.

Shaqaalahan daanyeer la’-moodka laga dhigayo waxaa laga rabaa in ay dhirta ku taalla shaaraca iyo dhismayaasha dhexdooda iyo dhismayaasha dushooda fuulaan, kadibna ay sameeyaan codad iyo xarakaad u eeg kuwa daanyeerka, taas oo lagu wado in ay cabsi gelin doonto daanyeerrada tirada badan ee goobtan rabshay. Dhowaan ayaa ay ahayd markii dowladda hoose ee caasimadda dalka Hindiya ay soo saartay sharci mamnuucaya in daanyeerku joogo ama ku noolaado meel ka ag dhow aadame, arrintaas oo lala xidhiidhiyey sababo caafimaad iyo dhinaca nadaafadda, tallaabadan ay dowladda hoose kula dagaalamayso daanyeerkuna sharcigaas ayaa ay jawaab u tahay.