Dhalinyarada Ragga Ah Ee Kalluunka Cunaa Waa Ay Ka Maskax Badan Yihiin Filkooda Aan Cunin

0
714

Daraasad cilmiya oo cusub ayaa sheegtay in dadka dhalinyarada ah ee to cuna kalluunka ugu yaraan hal mar toddobaadkii ay caqli ahaan aad u koraan, marka la barbar dhigo kuwa da'dooda ah ee aan kalluunka. Waxa Cilmi-baadhistan lagu ogaaday in carruurta iyo dhalinyarada kalluunka cunata ugu yaraan hal mar toddobaadkii ay caan ku yihiin xirfad iyo karti maskaxeed oo ugu yaraan boqolkiiba lix ka badan qayrkood, iyo in mar kasta oo ay sii bataan tirada xilliyada uu ilmaha ama qofka dhalinyarada ahi cunayo kalluunka ay sii badato darajada maskaxdiisu ka sarrayso qarykii.

Xeel-dheerayaasha cilmibaadhistan sameeyey oo ka tirsan jaamacadda Gothenburg ee dalka Sweden ayaa sheegay in ay baadhitaan heerka fariidnimada ah ku sameeyeen dhalinyaro lab ah oo tiradoodu ka badan tahay 3,972 (Saddex kun, Sagaal boqol iyo toddobaatan iyo Laba) ruux, waxaana u soo baxday in cunista kalluunku ay si weyn u dhisto maskaxda una caawiso firfircoonideeda shaqo. Iyaga oo cilmi ahaan sheegaya sababta uu kalluunku cuntooyinka kale badankooda kaga duwan yahayna waxa ay xeel-dheerayaashu sheegeen in kalluunka ay ku jiraan maaddooyin ka qayb qaataan koriinka saxda ah ee maskaxda.