Farshaxanka Ardaydu Ku Samayso Dugsigu Waa Hab Lagu Daweyn Karo Carruurta Nafsi Ahaan U Bukta

0
655

Picture4London (Geeska)- Cilmibaadhaaak u dhashay dalka Ingiriiska ayaa ogaaday in carruurta la soo mariyo barnaamijyada farshaxanka ee dugsigu ay ka niyad xumo iyo diiqad yaryihiin kuwa dhiggooda ah ee aan la soo marin nidaamkan, isla markaana ay anshax ahaan ka hab-dhaqan fiican yihiin kana niyadwanaagsan yihiin.

Daraasaddan uu Geeska Afrika soo turjumay oo lagu baahiyey joornaalka The Arts in Psychotherapy ee ka faallooda cilmiga caafimaadka maskaxda ayaa lagu sheegay in xiisadaha farshaxanka ah ee ardayga yar dugsiga lagu siiyaa ay kor u qaaddo hibada uu u leeyahay curinta iyo awooddiisa dhinaca waxbarashada. Cilmibaadhistani waxa ay si gaar ah u eegaysay barnaamij dalka Ingiriiska laga hirgeliyey sannadkii 2002da oo ahaa in dugsiga carruurta loo sameeyo qol u gaar ah farshaxanka oo ay waqti saacadaha waxbarashada ka mid ah ardaydu ku qaataan, kaas oo natiijada 13 sano kadib ka soo baxday ay tahay mid aad loogu farxay.

Melissa Cortina oo ku xeeldheer cilmibaadhisaha la xidhiidha cilmi nafsiga ayaa sheegtay in barnaamijyada noocan ahi ay carruurta yaryar ee xaaladaha nafsiga ah ee khatarta ah qaba, ama laga yaabo in ay ardayda kale ka dhex baxaan xilliga dugsiga ay ka caawinayso in ay helaan hab ay naftooda ku cabbiri karaan, kuna xoojin karaan sawirka nafsiga ah ee ay marka hore iska aaminsan yihiin oo ah mid liita oo ah kan ku qasbaya in ay ardayda iska dhex faquuqaan, isla markaana dib ugu soo noolaynayo xiisihii ay u qabeen waxbarashada. Melissa Corton oo sharraxaysay sababta ugu weyn ee keenaysa in ardayga duruusta farshaxanka ah dugsiga ku sameeyaa uu ka bogsanayo xaaladaha nafsiga ah ee ardayda ka dhex saara oo aakhirka khatar ku keenayaa ayaa tidhi, “Marka uu ilmuhu sawir-gacmeedkiisa sawiro ee uu fasalka farshaxanka ka qayb qaato ee uu ku guulaysto, waxaa nafsad ahaan ku beermaya dareen xooggan oo ah in uu guul gaadhi karo, sidaa awgeed haddiiba ay jirtay sabab cabsi guul darro ah, ama diiqad iyo cabsi uu ka qabay dad dhex galka oo ka hortaagnaa in uu fasalka waxbarashada la jaan qaado, imika waxa uu dareemayaa in sidaa farshaxanka si la mid ah uu fasalka iyo xitaa nolosha dabiiciga ahba guul ka gaadhi karo, waayo kalsoonida uu isku qabo ayaa kor u kacaysa” ugu dambayntii waxa ay daraasaddani caddaynaysaa sida ay lagama maarmaan u tahay in dugsiyada loo sameeyo fasallo farshaxan iyo sawirgacmeed lagu dhiirri geliyo, si gaar ahna loola ogaado ardayda la dareemo in nafsad ahaan aanay caadi ahayn ama khalkhal dhinaca maskaxda ahi jiro.