Guddoomiyaha Guurtida Iyo Badhasaabka Togdheer Oo Ka Hadlay Xiisadda Ka Soo Cusboonaatay Baliga Diiriye Guuleed Iyo Xukuumadda Oo Odayaal Xidhay

0
568

gudoomiyah-gHargeysa(Geeska):-Guddoomiyaha aqalka golaha guurtida Somaliland iyo badhasaabka gobalka Togdheer ayaa ka hadlay xiisada dib ugu soo cusboonaatay deegaanka baliga Diiriye Guuleed oo hore loo xaliyey shaqaaqo ku dhexmartay Laba beelood oo walaalo ah.  Waxaanay xukuumadda Somaliland xabsiga dhigtay sagaal oday oo ka soo kala jeeda laba beelood si xaaladda loo dejiyo.

Md:Saleebaan Maxamuud Aadan, guddoomiyaha guurtida oo shalay warbaahinta la hadlay ayaa yidhi “Kolay horta waxaas baliga Diiriye Guuleed ka dhacay waa nasiib darro.qarankanina uma baahna wax li’li’jiya ama lu’la’, ninkii nin wax yeelaynayaa qaranka oo dhan ayuu wax yeelay. Waana nasiib darro. Waxaanu waydiisanaynaa oo codsanaynaa oo ku baryootamaynaa waar nabadda aan xejisano.”Ayuu yidhi Md:Saleebaan Maxamuud Aadan. Guddoomiyaha guurtida oo sida oo kale hadalkiisa sii wata, ayaa waxaa uu tilmaamay in go’aankii ay guurtidu hore ugu dhex dhexaadisay shaqaaqadaasi uu yahay mid sidiisii u fulaaya cida ka hor timaadana ay tahay cid ka hortimi qaranka oo dhan.

 “Go’aankii guurtidu waa inuu fulaa mar walba, wax bedelayna ma jiro. ninkii go’aankii guurtida ku talax tagaya dee isaga iyo qaranka isleh waayo?. Go’aanku qaran kuu dhaqayay. Markaa qarankay isku dhacayaan cidii ka hor timaada go’aanka guurtida.”Ayuu yidhi Saleebaan Maxamuud Aadan. Dhanka kale Xukumadda Somaliland ayaa talaabooyinka ay qaaday ka dib shaqaaqadii halkaasi ka dhacday waxaa ay xabsiga dhigtay odayaal ka soo kala jeeda beelaha ku dagaalamay degaanka baliga Diiriye Guuleed.waxaana sidoo kale la kala dhex dhigay ciidamo tiro badan oo ka hor taga isku dhac horleh oo halkaasi ka dhaca.

Badhasaabka gobalka Togdheer Md:Maxamed Muuse Diiriye, ayaa hadalkan ka sheegay mar uu shalay magaalda Burco ugu waramaayey, waxana uu ugu horeyn faah faahin ka bixiyey shaqaaqadan labada beelood dhex martay. "Arrinta halkaasi ka dhacday waa arrin soo jireen ah oo muddo soo jirtay, runtii imika ayey ugu dhadhawayd oo Laba go'aan ayaa ka soo baxay mid xubno ka mid ah golaha wasiirada ayaa halkan loo soo diray oo go'aan ka gaadhay, waanu fulinay, waxaananu aasnay barkadihii, deed ambiil ayey nimankaasi qaateen waxaana ay u qaateen golaha guurtida golahii guurtida aya isna halkan noogu yimi go'aan ayaa isna ka soo saara oo ay leeyihiin meeshaasi waa tuulo, hana loo mag dhabo waxii la dumiyey ee meesha ka dhacay, qoladii kalena iyana waa ay ka booday oo may qadan go'aan kaas, iyana ambiil ayaanu ka qaadanay ayey yidhaahdeen horta meesha waxa ka jiraa waa taa illaa maalinta illaa maanta ciidan ayaa meesha jooga oo aan ka soo bixin, kolba tiradoodu inta ay doonto ha ahaatee marka ay ugu yar yihiin Toban Askari ayey ahaayeen.” Ayuu yidhi Md:Maxame Muuse Diiriye.

Md:Maxamed Muuse Diiriye, oo sida oo kale hadalkiisa sii wata ayaa waxaa uu yidhi:"Maanta meeshii meel ka baxsan ayey barkad ka qodeen qolada Cabdalle Arab oo ay baliga Diiriye Guuleed ka bilaabeen, halkaas qoladii kale kacdoon ayey ka muujiyeen, xabad ayana meesha ka dhacday nin ayaa ku dhaawac may galinki danbena qoladii kale ayaa qoladii dhaawaca gaysatay ku soo dhaqaaqay iyana nin ayaa laga dhaawacay markaa labadii dhinac midba mid ayaa ka dhaawac ah illa xalayna waa laysu ciidan urursanaayey.”  Md:Maxamed Muuse Diiriye, waxaa kale oo uu faah faahin ka bixiyey talaabooyinka ay illaa hada qaadeen."Annaguna ciidan xoogan ayaanu meesha gaynay oo bilayska ah, oo wali ciidanka qaranka u maanan dhaqaaqin, se 60-Askari ayaa noo jooga, waanu kala fogaynay qolooyinkii isa soo urursaday oo aagaas in aanan cid qori sidata ku arag, hase yeeshee waa jiraan meelo la' isku urursanayaa. Talaabooyin kale ayaa aanu qaadnay odayaashii Labada dhinac midba Sagaal Odey ayanu Labadii dhinac ka xidhnay oo aanu soo qabanay, illaa hadana waanu ku daba jirnaa haday gaadhayso boqol odey waanu gaadhsiinaynaa oo waanu qabanaynaa si arrintaasi nooga soo dhawaato oo nooga soo afjarmato.”.Ayuu yidhi badhasaabka gobalka Togdheer.