UK(Geeska)  Ra’iisul Wasaaraha Britain, atay roobabka dayrta oo keenay dhimashada 50 qof tan iyo bartamihii bishii October.
Madaxweyne Xasan Sheikh wuxuu sidoo kale ka hadlay cunno yarida caalamka, isaga oo muujiyay muhiimada u adkeysiga cimilada.
Madaxweynaha ayaa bogaadiyay sida ay UK uga go’an tahay taageeradeeda Soomaaliya, taasoo uu sheegay in ay tahay tallaabo muhiim ah oo loo qaaday dhanka iskaashiga caalamiga ah.
Shirka Sugidda Cunnada Adduunka oo ay si wada jir ah u soo qaban qaabiyeen UK, Imaaraadka iyo Soomaaliya, ayaa waxaa ka soo qeyb galay wakiillo ka kala socday in ka badan 20 dal, iyadoo ujeedadu tahay in laga wada hadlo sidii loo xoojin lahaa dadaallada lagu gaarayo dabar goynta gaajada.

 

Rishi Sunak, ayaa ku dhawaaqay 100 milyan oo gini, oo ah ku dhawaad 125 milyan oo dollar, oo loogu talagalay mashaariicda horumarineed ee Soomaaliya.
Ra’iisul Wasaare Sunak ayaa ku dhawaaqay dhaqaalahan intii lagu guda jiray kulankii uu la yeeshay Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, kaasoo qeyb ka ah, shirka sugnaanta Cuntada Adduunka ee London.
Madaxweyne Xasan Sheikh ayaa carrabka ku adkeeyay caqabadaha hortaagan shacabka Soomaaliyeed iyo dadaalka ay dowladdu ugu jirto sidii wax looga qaban lahaa macluusha la baajiyay 2022-ka, iyo waxyeelada haatan ka dhal