Hasrgeysa(Geeska) Xildhibaano ka Socday Wadanka Sweden ayaa hargeysa kula kulmay Dhigood Somaliland, Guddida Arrimaha Dibadda ee Golaha Wakiilladda Somaliland iyo xildhibaano ka tirsan baarlamanka Sweden oo booqasho ku jooga caasimadda dalka ee Hargaysa ayaa Shay  kulan laba geesood ah ku qaatay xarunta golaha Wakiilladda. Labadan Xildhibaan oo kala ahaa MP Magnus Berntsson oo ah guddoomiyaha guddiga arrimaha dibada baarlamaanka Sweden iyo MP john E. Weinerhall ayaa booqasho ku yimid Somaliland.

Kulankan laba geesoodka ah waxaa kale oo ka qayb galay Mikeal Torstensson oo ah wakiil sharafeedka midowga yurub u qaabilsan Somaliland iyo Xirsi wadaad-yare oo ah muwaadin Somaliland u dhashay oo Sweden degen.

Xubnaha Guddida arrimaha dibada ee gollaha Wakiilladda Somaliland ayaa mudanayaasha baarlamaanka Sweden ka socday uga waramay xaaladaha Somaliland, marxaladihii ay soo martay iyo sida ay u danaynayaan iskaashi saxiibtinimo oo dhex mara labada baarlamaan, iyo labada dawladood ee Sweden iyo Somaliland. Waxa kale oo ay ka wada sheekaysteen marxaladaha dhaqan dhaqaale, siyaasadeed iyo amni ee gobolka Geeska Afrika haatan ka taagan.