Gobolada Badhan, Saraar, Buuhoodle,Oodwayne Hawd Iyo Gebilay Oo Isku Wakhti La Wada Magacaabay Ansixintoodu Waa Isku Xidhan Tahay Oo Ma Jirto Sabab Loo Kala Fadilo”

0
111

Xildhibaan Maxamed Xuseen Jaamac (Ramboo) oo ka mida mudanayaasha Golaha Wakiillada Somaliland ayaa sheegay Gobolada Badhan, Saraar, Buuhoodle, Oodweyne Hawd iyo Gabiley in isku wakhti la wada magacaabay, isla markaana ansixintooduna ay isku xidhan tahay sabab loo kala fadilaana aanay jirin. Xildhibaan Maxamed-Ramboo waxa uu sidaa ku sheegay qoraal koobaan oo uu shalay soo saaray oo nuqul ka mida ay helay wargayska geeska afrika, waxaanu u dhignaa sidan:

Iyada oo laga shidaal qaadanayo dastuurka Somaliland, Xeerka Is-maamulka Gobolada iyo Degmooyinka iyo doonista shacabka waxa muhiim ah in la is xasuusiyo in gobolada isku wakhtiga la wada magaacabay ee Badhan, Saraar, Buuhoodle, Oodwayne, Hawd, Gabiley iyo Salal inay meel wada marayaan oo ansixintoodu ay isku xidhan tahay, waana  isku wakhti, isku xeer iyo isku duruuf oo ma jirto sabab loo kala fadilo.

Soo jeedinta wasaarada arrimaha gudaha, ee ay golaha wasiiraduna ansixiyeen waxay wiiqaysaa oo ay waxyeelo ku tahay wada jirka bulshada, waana go’aan deg deg badani ka muuqdo oo u baahan in golaha wakiilada JSL saxo oo cadaalada la waafajiyo