Madax-Dhaqameed Boorame Ka Sheegay In Jabuuti Doonayso Inay Jabhado Ka Dhex Samayso Somaliland

0
117

Hargeysa (Geeska) – Dawladda Jabuuti, ayaa bilowday dedaallo ay ku doonayso inay ku fuliso shirqool ka dhan ah JSL.

Dawladda Jabuuti ee uu Madaxweynaha ka yahay Ismaaciil Cumar Geelle, ayaa abaabushay dad ku nool Jabuuti oo ka soo jeeda Beelaha Samaroon iyo Ciise, si ay dhisaan Jabhado ka dhaqdhaqaqa gudaha Somaliland iyo Maleeshiyaad la sheegay in loo dirayo Soomaaliya.

Tallaabooyinkan oo Jabuuti ugu adeegsayso Soomaaliya oo ka soo horjeeda isfahamka dhex maray Itoobiya iyo Somaliland, ayaa waxa fashiliyey

Madax-dhaqameedka iyo Waxgarad ka soo jeeda Beelaha Samaroon ee gobollada Awdal iyo Selel, kuwaasi

markii hore la doonayey inay shirqolkaas ka qayb-qaataan.

Madax-dhaqameedka Iyo Waxgaradka beesha Samaroon oo Warbaahinta kula hadlay Magaalada Boorama, ayaa sheegay in hawlahaa Jabuuti waddo aanay ku matalin xubnaha beeshooda ka soo jeeda ee Dawladda Jabuuti u xulatay fulinta qorsheyaasha qarsoon ee ku xidhiidhsan dhismaha Maleshiyaadka iyo Jabhadaha ay sheegeen ay Jabuuti sida hoose u waddo.

Waxgaradka Beesha Samaroon, waxay caddeeyeen in xubnaha Beeshooda ee Dawladda Jabuuti u qoratay hawshaasi aanay iyaga matalin, doc iyo dareena ku lahayn hawlahaasi.

Waxa kale oo ay sheegeen in shir ay hore ugu baaqeen Waxgarad ka soo jeeda Beesha Ciise aanay diyaar u

ahayn, haddii ajandihiisu salka ku hayo shirqoollada Dawladda Jabuuti la maagan tahay Nabadgalyada iyo Nidaamka Dawladnimo ee Somaliland, iyaguna haddii ay Beel ahaan degaan Jabuuti ay reer Somaliland yihiin, kana soo horjeedaan wax kasta oo dhibaato ku ah.