Hargeysa(Geeska)-Wasiirka Wasaarada Arimaha Debedda Dr Ciise Kayd ayaa hadal ka jeediyey xilwareejinta wasiiradda la kala wareegay Wasaarada Horumarinta Beeraha, kaas oo kaga hadlay arimo badan. Wasiirka ayaa hadal jeedintiisa ku bilaabay Muuhimada ay leedahay Midnimada shacabka iyo Dhaawaca uu yeelayo kala-qabsanaanta Bulshadu Qarannimada Somaliland.

Wasiir kayd, wuxu hoosta ka qariixay in Adduunka iyo Beesha Caalamka toona ayna cidna ina dhagaysanayn hadii aynaan siyaasadaha iyo arimaha gudaha ka midoobin. Wasiirka oo hadalkiisa sii wata ayaa Bogaadin u soo jeediyey Ciidamadda qaranka iyo shacabka taageerada la garabtaagan. Waxa isna wasiirku ku dheeraaday in Waxa Mucaarid iyo Mucaafid lagu yahay ay tahay Qaranka iyo Midnimadiisa, wixi khilaaf jirana la dhameeyo, taas oo jiritaankeena sees iyo asaas u ah. hadalka wasiirka ayaa u dhignaa sidan:-

“Markaynu halkan oo kale isugu nimaadno waxaynu u baahanay in aynu muujino Wadaninimadii iyo midnamadeena. Waxan Salaan iyo Bogaadin u dirayaa Ciidamada qaranka iyo sidoo kale shacabka is-garab taagay ciidankiisa.

Waxaynu u baahanay in aynu mid noqono, waayo Siyaasada aan aduunyada ka iibinayo, hadii aynaan inagu mid noqon, Cidna ina dhagaysan maayo. Waa in ay aynu noqonaa mid kaliya, Dad wada hadli kara, Murmu kara, Heshiin kara, ka Heshiin kara in aanay wax ku sheegin, heshiin kara in ay wax ku heshiyaan. Markasta oo aynu xafladahan oo kale isugu nimadna waa in aynu ka horaysiin qaranimadda Somaliland, Xuduudda Somaliland iyo Qaranimadda aan gali karin muran. Hadaad tahay mucaarid iyo Hadaad tahay Muxaafid Jiritaankeenu wuxu  ku xidhanyahay  in ay dhismaha dalkeena meel uga soo wada jeesano”. Dhinaca kale, Wasiirkaya ayaa sheegay in Wasiirkii hore Cabdiqadir Imaan ahaa nin wasaarada iyo siyaasada qaranka qayb-wayn ka qabtay, wuxuna u rajeeyey guul. -Wasiir kayd ayaa sidoo kale,  soo dhaweeyey wasiirka cusub, dardaarana ujeediyey. Wasiirka oo hadalkiisa wata ayaa wasiirka cusub u sheegay hadal kaftan iyo duur-xul isugu jira, kaas oo sheegaya in Somaliland galbeedka uun loo haysto Beeralay, laakin degaano Badan sida Bali-Gubadle uu ka yaabay Horumarka Beeraha iyo dalagyadda ka soo baxay. Hadalka wasiirka uu jeedkiisu ahaa in Wax-qabadka Beeraha kaliya degaano gaara aan lagu koobin, laakin meelihii ay ka jiraanba laga hawl-galo. Wasiirka ayaa sheegay in siyaasada Dawlada ee Wasaarada Horumarinta Beeruhu ay tahay in isku-filaansho cunadda ah la gaadho, sidaa awgeedna Wasiirkii hore gobolkasta geeyey dad aqoon leh, isla markaana fidiyey Horumarka Beeraha.

Ugu dambayn, Wasiirka arimaha debadda ayaa sheegay in wax-soosaarka Beeraha oo aynu la soo bixi karnaa, uu dhinaca kale inaga saaro lacag adag oo khudaar ku soo iibsano. Wasiirka kayd, ayaa wasiirka cusub kula dar-daarmay in sida Ciida loo Beero, Caqligana loo beero, hadalkan oo u dhignaa  in uu dad aqoonteeda iyo kartideeda leh u doorto wasaarda, dalkana gaadhsiin kara isku-filaansho dhinaca Beeraha ah.