Madaxweyne Siilaanyo Oo Shalay Madaxtooyada Kula Kulmay Hoggaanka KULMIYE Iyo Shirkii Golaha Dhexe Ee Xisbiga Oo Dib Loo Dhigay

0
641

Picture3Hargeysa(Geeska)- Shirweynihii golaha dhexe ee xisbiga KULMIYE oo maanta ku beegnaa ayaa dib loo dhigay tan iyo wakhti aan la cayimin. Guddoomiyaha xisbiga KULMIYE Md. Muuse Biixi Cabdi, ayaa qoraal wargelin ah oo uu shalay u diray xubnaha golaha dhexe wuxuu ku cadeeyay in shirkaas dib loo dhigay, “Gudoomiyaha Xisbiga Kulmiye Mud, Muuse Biixi Cabdi waxa uu ku wargalinayaa dhamaan xubnaha golaha dhexe ee xisbiga kulmiye in dib loo dhigay shirkii golaha dhexe, xiliga la qabanayo iyo goobta lagu qabanayana gadaal laga soo sheegi doono.” Sidaas ayuu Muuse Biixi ku yidhi qoraalkiisa, mana uu raacin wax faahfaahin ah sida sababta dib u dhaca shirka keentay iyo weliba wakhtiga dambe ee la qaban doono oo uu ku koobay in dib laga soo sheegi doono xilliga iyo goobta.

Warar uu Geeska Afrika helay ayaa cadeeyay in dib u dhigista shirweynaha golaha dhexe ee KULMIYE  uu ka dambeeyay kulan shalay madaxtooyada ku dhex maray Madaxweyne Siilaanyo iyo hoggaanka xisbiga KULMIYE, kaas oo la iskula qaatay in shirka golaha dhexe dib loo dhigo.

Shirkan ayaa haddii uu qabsoomi lahaa waxa si rasmi ah loogu dooran lahaa murashaxa madaxweyne iyo madaxweyne xigeen ee xisbiga KULMIYE u meteli doona doorashada dambe iyadoo uu Madaxweyne Siilaanyo yahay murashaxa keliya ee shirkaas loogu codayn lahaa.