Dhinaca Qorsoon Ee Nolosha Madax Dunida Caan Ka Ah (11): Qisada Caashaqii Saddaam Xuseen: “Gabadhyahay Ama Ku Calfaday Ama Ku Dilay” Saddam

0
602

Hargeysa (Geeska)- Inta badan waxaa caado noo ahayd in aanu galabtii saacaddu marka ay shanta gaadho aanu isugu soo baxno barxadda deyrka guriga si halkaas aanu ugu wada cabno shaah casariye ah, inta bandanna saacaddaas marti booqasho ah ayaa noo iman jirtay, sidaa awgeed maalintan markii shantii galabnimo albaabka la soo garaacay cidina lama ay yaabin oo waxa uun loo qaatay cid booqasho ah. Laakiin ma’ay noqon.!! Laba nin oo ah raggii Saddaam Xuseen oo markaas madaxweyne ku xigeen ah ayaa soo galay. Laakiin labadan nin sidoo kalana waxa ay saaxiib ahaayeen odaygayga oo ay muddo aad u dheer is yaqaanneen. Waxa ay saacaddan booqashadooda ugu soo beegeen in ay u muuqdaan dad booqasho caadi ah noogu yimid oo saacaddan caanka ah ku soo begay si ay noola shaaheeyaan, iyaga oo ka ordaya in cidi ka shakido. Laakiin booqashadooda waxa ay uga faa’idaysteen in ay saygayga u digaan. Waxa ay yidhaahdeen:

– Dalka si degdeg ah uga bax. Caawa waxaa kuu imanaya raggii Saddaam Xuseen.

Odaygayga oo taladii qaatay ayaa doonay in uu la hadlo aabahay, si uu warka ugu sheego ugana codsado inta uu maqan yahay in uu isagu masuuliyaddayda qaado oo uu i sii hayo, laakiin labadii nin ee Siiroob saaxiibbadii ahaa ayaa ku qanciyey in aanu sidaas yeelin. Waxa ay igu yidhaahdeen, “Waa in Lampsos aad nabarro gaadhsiisa, oo boogo iyo barar lagu arkaa wejigeeda, kadibna iyada oo nabarradaa leh ay aabaheed la hadasho, marka uu u yimaaddana ay u sheegto in saygeedii uu dilay oo sidaa awgeed ay rabto in uu guriga ka saaro inta aanu ku soo noqon ee haddana aanu garaacin”

Intta aan soo booday ayaa aan idhi, “Hayee I garaac, xoog ii garaac oo nabarro ii samee”

Waxa aan xasuustaa naxdintii iyo argagaxii indhihiisa ka muuqday markii inta uu feedh igu dhuftay aan dhulka ku dhacay. “Mar kale igu dhufo.. oo dhaqso u ambabax inta aan laguugu soo gaadhin” ayaa aan ku idhi.

Bani’aadamku waa uu ka awood iyo adkaysi badan yahay sida aynu moodayno. Markaas nabarradu iima muuqan oo waxa aan ku fikirayey keliya nolosha saygaygu in ay khatar ku jirto.

Markiii Siiroob inta uu I garaacay uu baxay ayaa aan aabahay la hadlay, si uu ii soo gaadho, sidii qorshuhu ahaa waxa aan u sheegay in saygaygii I dilay oo uu kadib guriga ka baxay, anigana xaaladdaydu aanay fiicnayn. Markii aabahay ii yimid xanuun badan oo jidhka oo dhan ah ayaa aan dareemayey, xitaa in aan labadayda lugood ku istaago ayaa aan awoodi waayey, taah aan kala go’ayn ayaa iga baxayey, haddana weli xanuunka I haya oo dhan kuma aan illaawin warwarka aan ka qabay in nolosha saygaygu aanay hadda kadib dib ugu soo noqon doonin sidii ay ahaan jirtay.

Habeennimadii ayaa ay gurigii yimaaddeen raggii Saddaam Xuseen. Albaabka sooma ay garaacin ee waa ay soo jebiyeen. Sidaas ayaa ay weligoodba guryaha xoog ugu geli jireen. Laakiin ciddii ay rabeen kama ay helin oo guriga oo aanay cidiba joogin ayaa ay yimaaddeen. Maalinnimadii ayaa rag kale oo dawladda ka socdaa ay yimaaddeen, waxa aanay guriga kadinkiisa ku dhejiyeen boodh ay ku qoran tahay, “Gurigan iyo waxa dhex yaallaba waxaa la wareegtay dawladda Ciraaq” Laakiin kuma ay jirin qolka hurdada iyo qolka carruurta waxa dhex yaallaa. Waayo sida uu ahaa dhaqanka Carbeed waxaa mamnuuc ah in cid qariib ahi ay gasho qolalka dumarka, qolkan iyo waxa dhex yaallana dhaqanka Carbeed waxa uu u aqoonsan yahay in gabadhu (Xaasku) ay gaar u leedahay.

Siiroob safar gaadhi ah ayaa uu ku tegey Lubnaan oo uu u sii maray Suuriya. Dadkii Armeeniyiinta ahaa ee reer Lubnaan ayaana si aad ah u caawiyey, soona dhoweeyey, iyaga oo ugu diir naxay isirka ay wadaagaan awgeed.

Cabsi joogto ah ayaa aan ku noolaa. Maalin maalmaha ka mid ah oo ahayd bisha ogoos ee kulaylka iyo ruduubadda adan ayaa goor fiid ah waxaa guriga aabahay soo hor istaagay baabuur cad oo ah nooca loo yaqaanno Oldsmobile. Baabuurta noocaas ah waxa uun wadan jiray dadka ku xeeran Saddaam Xuseen, cid kalana ma’ay haysan karayn. Waxaa gurigii soo garaacay waardiyihii gaarka ahaa ee Saddaam Xuseen, oo markii aan ka furayba igu yidhi,” Waxa aan amar ku qabaa in aan ku geeyo qasriga” Sidii ayaa aan ku raacay, habeenkaasna Saddaam dhinaciisa ayaa aan ku beryey, waxa aanu ka mid ahaa habeenno badan oo aanu wada seexannay, intii ka dambaysay markii aanu muddo kala maqnayn (Guurka kadib). Markii aan indhaha saaray Saddaam Xuseen waxaa mar keliya igu soo laba-kacleeyey shucuur hore iyo caashaqii berisamaad oo  mar kale si xoog leh qalbigayga ugu soo noqday. Tan iyo maalintii ugu horreysay ee aanu Saddaam Xuseen is barannay waxa aan qabay dareen ah in aannaan abid kala hadhi kari doonin. Waxase aan naftayda ku canaantay in bandanna ku xaqiray in ay u dabacday indho-sarcaadkii uu bilowgii u dhigay iyo in aan xidhiidh jacayl la yeeshay Saddama Xuseen. La soco…