Maskaxdaadu Jimicsi Bay U Baahantahay Ee Subax Kasta Maskaxdaada Ku Firfircooni Geli Hal Xidhaale (6)

0
635

1Hargeysa (Geeska)- Qormadan maanta waxaa ku jira jawaabta hal xidhaalihii shalay iyo hal-xidhaale cusub. Jawaabta waxa aad ka eegaysaa cadadka dambe, sidoo kale haddii aad doonayso in aad akhristayaasha kale ee barnaamijkan la wadaagto jawaabtaada, waxa aad kula wadaagi kartaa barta aanu ku leenahay facebook ee sumaddeedu tahay: www.facebook.com/Googooska

Jawaabta masaladii hore:

9. Marka aad koobka labaad ee dhinaca bidixdaada xiga waxa ku jira ku shubto koobka labaad ee dhinaca midigtaada xiga ee imika madhan, kadibna aad koobkii halkiisa ku celiso, waxaa kuu soo baxaya in koobabka buuxa iyo kuwa madhani mid mid isugu xigaan. U fiirso sawirka koobabka iyo sida la isugu wareejiyey.

10. Masaladan xalkeedu waxa uu ku fiican yahay in aad u fiirsato sawirka si aad u fahamto qoryaha kabriidka ee la tuuray ee sababta u noqday in sawirku uu noqdo TEN. Qoryaha kabriid ee sawirkoodu khafiifka yahay ayaa ah kuwa la tuurayoo.

Hal-xidhaalaha maanta:

11. Sawirka gacmaha ah ee kuu muuqda, waxa uu ka kooban yahay afar gacmood oo mid kastaa ishaaro gaar ah bixinayso, hase ahaato ee gacmahaasi waa gacan keliya oo ah bixid marka laga reebo hal gacan oo iyadu midig ah. U fiirso sawirka oo waxa aad dhaqso u garataa gacanta midigta ah. Adiga oo weliba is weydiinaya sababta aad kaga dhex soocayso kuwa kale.