Dhiigkarka: Calaamaaha Lagu Garto, Sababa Loo Tiriyo, Khatartiisa Iyo Hababka Loo La’ Tacaalo (Q.4aad)

0
728

1Hargeysa (Geeska)- Waa qaybtii labaad ee qormadii uu Geeska Afrika ka diyaariyey cudurka dhiigkarka.

– Miisaanka oo ka weynaada inta caafimaad ahaan saxda ah, ayaa ka mid ah sababaha keena dhiigkarka, sababta ugu weynna waxa ay khubaradu ku sheegeen in mar kasta oo qofka miisaankiisu kordho uu la kordhayo xaddiga dhiigga uu jidhku u baahan yahay, si uu u awoodo in uu neefta Ogsajiinta gaadhsiiyo iyo nafaqada cuntada gaadhsiiyo jidhka oo dhan. Taas oo keenaysa in xaddiga dhiigga maraya xididdada dhiiggu uu krodho, mar kasta oo xaddigaasi uu kordhana waxa uu cadaadisku ku kordhaya xididdada dhiiga. Waanka kaas marka uu dhiigkar noqonayaa.

– Jimicsi la’aanta: Garaaca wadnaha ee dadka aan jimicsan ayaa ka sarreeya garaaca uu samaynayo wednaha dadka firfircoon. Mar kasta oo uu kordho xawaaraha shaqada wadnuhuna waxa ay noqonaysaa in wadnaha ay ku dhacdo shaqo badan oo ah in uu si xoog ah u soo tuujismo marka uu dhiigga soo tuurayo, taasina waxa ay kordhinaysaa caabbiga ku dhacaya derbiyada xididdada dhiigga. Waxaa intaas dheer in fadhiga badan iyo jimicsi la’aantu ay kordhiyaan miiisaanka oo aynu kor ku soo xusnay in uu isna dhiigkarka keeno.

 – Sigaar nuugista: Nuugista sigaarka iyo guud ahaan buuriga sida xashiishaddu waxa uu keenaa dhiigkar, dhaqso ah laakiin waqti gaaban jira. Intaas waxaa dheer in maaddooyinka kiimikaad ee ku jira buurigu ay dhiigga raacaan, caanna ku yihiin in ay  dhaawac aadhsiiyaan derbiyada xididdada uu dhex marayo dhiigga ay ku jiraan. Waxa aana taas ka dhalanaya in xididku aakhirka ka yaraado inta dabiicia ah, waana markaas marka uu dhiigkarku si rasmi ah u bilaabanayaa.

– Cunista milixda badan:Cuntada milixda badani waxa ay sababtaa in jidhku uu awoodi kari waayo in uu isticmaalo ikana qashin qubo dareeraha ku jira, arrintaas oo keenta dhiigkarka, waana sababta kale ee inta badan caguhu u bararaan qofka sidan yeelaa.

Maadadda Bootaasiyam waa maaddo aanu jidhku ka maarmin oo laga helo cuntooyinka (Potassium) maaddo muhiim ah oo laga helo khudradda la cuno, gaar ahaanna, Sabiibta, Timirta, Muuska, Tamaandhada, Khowka, Baradhada, Afakaadado, karootka, Sabaanikha, liin macaanta, tufaaca, cunabka iyo cuntooyinka firiga leh sida, qamandiga.

– Maadadda Bootaasmiya waxa ay isu dheellitirtaa heerka cusbada eek u jira unugyada jidhka, waxa aanay u diyaarisaa isticmaal, marka in la isticmaalo ay tahay, halka ay ka joojiso marka ku habboon. Haddii jidhku uu waayo xaddi ku filan oo ah maadadda Potassium waxa ay keentaa in milix aad u badan jidhka gasho ama uu jidhku waayo cusbadii uu u baahnaa. Waana halkaas halka uu ka bilaabanayo dhiigkarku.

– Cabbista maandooriyaha sida khamriga oo kale waxa ay sababtaa in jidhku soo daayo hormonno keeni kara in dhiiggu kk kaco, waxa aana bata xawaaraha shaqo ee wadnaha.

– Isku-buugga iyo sakatiga: Isku buuqa ama waxa qulubka loo yaqaanno iyo qofka oo sakati iyo sakati iyo warwar qabaa waxa ay sababtaa in dhiiggu uu kor uga kaco inta dabiiciga ah. Suurtogal ayaa ay ahaan lahayd in dhiiggu intiisa dabiiciga ah ku soo noqdo marka uu qofku xaaladdan ka baxo, laakiin dhibtu waxa ay ka timaaddaa qofka oo marka uu xaaladdan ku jira nafis iyo ladnaan ka raadiya cunto cunis badan, sigaar badan oo uu nuugo, daroogo iyo maandooriye, kuwaas oo iyaguna xaaladda dhiigkar ee jirtay sii kordhinaya.

– Cudurrada qofka muddo dheer haya, sida Kalastaroolka, Macaanka, hurdo la’aanta iyo kelyo xanuunka ayaa ay dhakhaatiirtu aaminsan yihiin in ay kordhiyaan khatarta uu qofku u yahay in uu dhiigkar ku dhaco.

– Uurka ayaa isna ka mid ah xaaladaha dumarka ku keena dhiigkarka, inta kasta oo ay sida badan hooyadu ka bogsato dhiigkarkan uurka ku lammaan, laakiin sidoo kalana waa ay dhacdaa in uu xanuunku ku rasmi ah u dego hooyada.

– Cilmibaadhis lagu sameeyey dalka Faransiiska ayaa daahfurtay in cabbirka dhiigkarku kala badan yahay afarta xilli ee sannadka, taas oo ku xidhan hadba sida ay tahay cimiladu. La soco…