Hormuraka Caafimaadka Adduunku Gaadhay: Nin Maqaar Laga Soo Dhilay Calooshiisa Looga Dhigay Weji

0
592

1Dushanbe (Geeska)- Nin muddo sannado badan ah ku noolaa xaalad nafsi ah oo dadka ag jooggooda ka dheeraysay kadib markii uu wejigiisu dhallaan rogmay gubasho yaraantiisii ku dhacday awgeed ayaa la sheegay in uu hadda bilaabay in uu dadka soo hor-istaago lana sheekaysto gaar ahaan qoyskiisa iyo saaxiibbadii. Kadib markii ay dhakhaatiirtu ku guulaysteen in wejigiisa haragga xumaaday ka saaraan kadibna ku beeraan harag kale ooo laga soo diiray calooshiisa.

Ninkan oo ah 20 jir u dhashay dalka Tajikistan ayaa dhowaan ka soo muuqday barnaami  ka baxa talefishanka Ruushka ee Reality isaga codsanaya in laga kaalmeeyo sidii uu isaga daweyn lahaa xaaladdan muuqaalkiisa beddeshay ee muddada dheer uu la faquuqnaa isaga oo ku calaaalaya in foolxumada wejigiisa awgeed ay dadku aad u dhibsadeen la macaamilkiisa.

Nasiibwanaag Dilmrod waxa uu helay caawimadii uu u baahnaa waxa aana lagu sameeyey qalniin uu 13 saac ku jiray, oo qayb dubka sare ee jidhkiisa qaybta caloosha ku beegan ah inta laga soo dhilay lagu rakibay wejiga. Dilmrod hadda waa uu bogsaday waxa aanu dhowaan ka baxay cisbitaalka, isaga oo aad u faraxsan ayaanu warbaahinta horteedda wacad ku maray in uu hadda guursanayo.