Dhibta Ay Leedahay Carruurta Oo Aan Laga Xakamayn Daawashada Talefishanka Iyo Guriga Oo La Dhigo 2 TV

0
638

Riyaad (Geeska)- Cilmi baadhis ay taageeraysay jaamacadda sayniska iyo Tiknoolajiyadda ee Malik Cabdalcasiis oo ku taalla dalka Sucuudiga ayaa daah-furtay in carruurta oo aan laga xakamayn daawashada badan ee Talefishanka isla markaana aan lala socon filimada iyo noocyada barnaamij ee ay daawanayaan ay saamayn taban ku yeelato heerka waxbarashadooda, hab-dhaqankooda, anshaxooda iyo heerka wadaniyaddeed ee ay fiicnayd in ay ku beernaato. Daraasaddani waxa ay sheegtay in sahamin lagu sameeyey dhalinyarada da’doodu u dhaxayso 15 illaa 25 sano lagu ogaaday in uu saamayn weyn oo dhinaca xun ah ku yeeshay qiyamkoodii diintiga ahaa, kii bulsho iyo weliba abtirsiintoodii wadaniga ahayd. Dhinaca kalana waxaa la ogaaday in saamaynta tabani ku badan tahay carruurta iyo da’ yarta ka dhashay qoyska Sucuudiga ah ee guriga uu u yaallo wax ka badan hal-talefishan. Dhinaca kalana waxa ay khubaradu waalidka kula talisay in ay la socdaan Janallada ay carruurtoodu daawato iyo xikmadda iyo macnaha ay sidaan filimada iyo barnaamijyada ay jecelyihiin in ay daawadaan, kuwaas oo ah kuwa hadhow ku yeelanaya saamaynta ugu badan.