Dadka Caddaanka Ah Ayaa Mar Kasta Ka Cunsurisan Dadka Madowga Ah, Laakiin Ma Caddaystaan

0
1008

Picture10Washington (Geeska)- Cilmibaadhayaal u kala dhashay dalalka Canada iyo Maraykan ayaa dhowaan sheegay in inta badan dadka Caddaanka ahi ku doodaan in ay si adag uga soo horjeedaan ama u neceb yihiin midab takoorka laakiin runtu ay tahay in aanay wax tallaabo ah qaadin haddii ay arkaan qof ka mid ah oo ficil ama hadallo cunsuriyad ah ku kacaya. Waxa aanay khubaradu tusaale u soo qaateen in haddii arday caddaan ah oo jaamacad dhiganaysa ay maqlaan qof si badheedh ah ugu hadlaya cunsuriyad ama xataa daraasadda ku soo daraya cunsuriyad in aanay ka hor istaagin ama wax dareen diidmo ah ka bixinin.

Xeel-dheerayaasha daraasaddan sameeyey waxa ay ku doodeen in ay tani tahay astaan muujinaysa in cunsuriyaddu dabeecad ahaan ku abuuran tahay qofka cad. Kerry Kuwakmi oo ah macalin cilmi nafsiga ka dhiga jaamacadda York oo ku taalla Toronto caasimadda Canada ayaa sheegay in dadka caddaanka ahi marka ay naftooda ka hadlayaan ay isu yaqaannaan dad neceb cunsuriyadda aadna uga cadhooda haddii ay maqlaan cid ku kacda cunsuriyad. Professor Kerry oo sharraxayey daraasaddan oo natiijadeeda uu wargeyska Geeska Afrika ka soo xigtay majaladda Science ayaa isaga oo hadalkiisa sii wata waxa uu yidhi, "Waxa aanu ogaannay in haddii dadka caddaanka ah agtooda lagu sameeyo falal cunsuriyad iyo takoor ah ay yihiin kuwa ugu aamuska badan ee aan diidmada muujin" daraasaddan oo ay cilmibaadhayaashu intii ay wadeen tijaabooyin ka qaadeen arday jaamacadeed oo isugu jira madaw iyo caddaan, waxa xiisaha badan ee dhacay waxa uu ahaa, arday caddaan ah oo ka qayb qaadanayey daraasadda ayaa iska dhigay in uu cunsuri yahay, waxa aanu si ba'an u cunsuriyad caayey arday madaw ah oo qudhiisu ka qayb qaadanayey daraasadda balse si khiyaamo ah dibadda ugu baxay. Ardaydii caddaanka ahaa ee goobta fadhiyey waxa ay ku qaybsameen kuwo la caaya iyo qaar uga aamusa si u muuqata ka raalli noqosho. Markii uu ardaygii madawga ahaa soo noqday ayuu macalinkii oo qudhiisu iska dhigaya in aanu ogeyn waxa dhacay waxa uu ardaydii ka dalbaday inuu qof waliba doorto qof uu la wadaago layli laga rabay fasalka dhexdiisa, boqolkiiba 63 ka mid ah ardaydii caddaanka ahayd ee ka qayb qaadatay cayda cunsuriyadeed ayaa dalbaday in ardayga madaw uu la wadaago layligan, taas oo ay khubaradu ku macneeyeen in ay muujinayso in dadka caddaanka ahi ay takoorka iyo cunsuriyadda ku dhaqmaan balse aanay caddaysan ee si qarsoodi ah ay u wataan.