Warsaxaafadeed Ka Soo Baxay Ururka Dhallinyarada Jiidali

0
762

Ururka dhalinayada ee Jiidali waxay qoraal ay soo saareen ay ku sheegeen inay in urur ahaan ay u jiraan jiritaanka Somalialnd iyo sidii ay u barbar istaagi lahaayeen qaranimada, xoojinta iyo wada jirka umada, waxaanu war-saxaafadeedkoodu u dhignaa sidan:-

Maanta [shalay] oo ay tahay taariikhdu 06/08/2014, wuxuu ururka Dhalinyarada jiidali  u bayaaminayaa Mujatamaca reer Somaliland, In jiidali loo abuuray inay barbar istaagto jiritaanka qaranimada somaliland, xoojiso walaalnimada, jaarnimada, wada dhaqanka iyo wada noolaanshaha beelaha somaliland, Jiidali waxay u taagan tahay inay isku fur furto dhalinyarada oo ay hormood u noqoto dhalinyar wax wada qabsada oo talo midaysan leh, waxa ka go'an jiidali inay kala shaqayso hayadaha amniga, sugida iyo adkaynta nabadgalyada qaranka, jiidali waxay astaan u tahay dhalinyar firfircoon oo ka turjumaya dareenka shacabkooda, diyaarna u ah inay wakhti ,maskax iyo maalba u bixiyaan sidii qarankan jamhuuriyada somaliland u noqon lahaa qaran waara oo horumara.

Ururka dhalinyarada Jiidali, waa urur ay gadhwadeen ka yihiin dhalinyar aqoonyahan ah, oo ka damqaday, tacadiyada iyo iska horkeenka beelaha ee ay xukuumada madaxwayne siilaanyo caadaysatay, waa urur aanay dabada ka riixayn siyaasiyiin iyo xisbiyo midtoona, balse waa urur majaro siyaasadeed leh oo  garanayana tubta quman ee qaranka lagu badbaadin karo.

Ururka dhalinyarada  jiidali wuxuu aaminsan yahay , in xukuumada maanta jirtaa ay ku fashilantay  gudashada wajibaadkeedi shaqo, waxay ku fashilantay kobcinta tiirarkii  dimuquraadiyada  ee aynu ku faani jirnay  ee salka u ahaa dawlidnimo dhamaystiran oo hana qaada, waxana ka mida:

1- Xoriyada Saxaafada: waxa si cad u karaameeyay oo u dhawray xuquudada saxaafada iyo suxufiga, dastuurka qaranka somaliland, waxa sidoo kale xusay xeerka saxaafada ee la saxeexay 2004tii, Xukuumada maantu waxay albaabada u laabtay wargaysyo , waxay si jees jees ah u xidhay tiro badan oo suxufiiyiin ah, waxay si cad xukuumadu ugu tumatay sharcigii muwaadinka iyo suxufiga, iyadoo suxufiyiin badan si sharci daro ah xabsiyada loo geeyay.

2- xoriyatul qawlka: shuruucda wadanka u taala waxay u damaanad qaadeen muwaadinka kasta oo reer somaliland ah inuu cabiri karo , fikirkiisa isagoo xor ah, kana reeban tahay shakhsi weerarku si  sharaftii muwaadinka loo dhawro, hadaba dawlada maantu waxay dadka ku bartilmaamsataa maxaa wax la iiga qoray, taas oo sababtay in dad badani ay xoriyadoodii ku waayaan , jeelashana ay ku jiraan iyagoon maxkamad la horgayn

3- Nabad galyada: qaranka jamhuuriyada somaliland 23ka sanadood  wuxuu aduunyada ka iibinayay  amniga  ka jira somaliland. Hadaba xukuumadani waxay noqotay mid wadamadii jaarku ay kala noqodaan kalsoonidii nabadgalyada sidoo kalena ay  aduun waynuhu ay laaxin galiyeen Nidaamka amni ee somaliland- taasina horseed u noqotay dhawaaqyada ka soo yeedhaya wadamada reer galbeedka. sidoo kale arintani waxay saamayn ku yeelatay dhaq dhaqaayadii shacabku ku tagi lahaayeen wadamada jaarka oo gabi ahaanba xuduudahoodii xidhay

Gaba gabadii, Dawladu waxay horseeday, musuq maasuq baahsan  oo casriyaysan,  qabyaalad qaawan, Tahriibkii dhalinyarada oo batay, camal la’aan baahsan oo dhalinyaradi gayaysiisay inay wadankii ka niyad jabaan, dawlad tiro badan oo bilaa tayo ah, caasimadii oo biyo la’aan taagan, mashaariicdii biyo balaadhinta caasimada oo la qabyaaladeeyay oo la siyaasadeeyay, waxbarashadii oo tayadeedii luntay, Arimihii dibada oo fashilmay iyo hogaankii wadanka oo aan awoodin inuu isku hayo dawlada waxa intaa u dheer, Afmiishaarnimo, xilkasnimo la'aan, Samirl'aan, dulqaad la'aan, guulwadayn, hubsiimo la'aan, iyo nidamkii dawladnimo oo meesha ka maqan, waxaanu shacabka ku baraarujinaynaa inay ka foojignaadaan, mu'aamaradada siyaasadaysan ee xukuumadani ku kala irdhaynayso beelaha walaalaha ah ee somaliland, sidoo kale wuxuu ururka dhalinyarada ee jiidali ku baraarujinayaa dhalinyarada reer somaliland inay u midoobaan sidii ay uga qayb qaadan lahaayeen dhaq dhaqaaqyadan lagu badbaadinayo qaranka somaliland laguna xoojinayo inay dhalinyaradu hormood u noqoto siyaasad fur furan oo la jaan qaadi karta aduunyada oo ay gadhwadeen ka yihiin dhalinyaro.

 

GUDOOMIYAHA URURKA DHALINYARADA JIIDALI

Mudane: Cabdiraxman Xasan Aadan

ALL MAHADLEH