Dhakhtarro Booliis U Adeegsaday Nin Ay Dawaynayeen Oo Diiday In La Tolo Nabar Ku Dhacay

0
591

Berlin (Geeska)- Cusbitaal ku yaalla dalka Germany ayaa Booliis u adeegsaday nin bukaan ahaa oo la rabay in nabar soo gaadhay la tolo. Ninkani waxa uu si adag isaga difaacay dhakhtar rabay in uu tolo nabar uu ku lahaa sanka, laakiin dhakhaatiirtu waxa ay diideen in ay ku joogsadaan cabsidiisaas.

Booliiska Jarmalka ayaa sheegay in dhakhaatarad ka tirsan cisbitaalka Frankfort ay u soo dirtay xarunta booliiska telefan ay ku sheegayso in ay ka cabanayaan nin bukaan ah oo diiddan in la qabto adeeg caafimaad oo naftiisu si weyn ugu baahan tahay, booliiska oo markiiba goobta yimi ayaa ay dhakhtaraddani mar kale u sheegtay sida caafimaad ahaan uu ninkani ugu baahan yahay tolniinkan oo sida ay sheegtay haddii aan la samaynin keeni doona in nabarku uu faafo,

Koox booliis ah oo cisbitaalkan loo soo diray ayaa xoog ku qabtay ninkan bukaanka ah, waxaana suurtogashay in dhakhaatiirtu ay khasab ku tolaan ninkan oo sida la sheegay sababta uu u diidayay tolmuhu ay ahayd fulaynimo keliya. Si kastaba ha ahaato ee, markii uu tolmihii dhamaaday ee ninkii bukaanka ahaa la tusay sida uu markii hore ahaa iyo hadda sida uu yahay, waxa uu ninkani si wayn ugu mahad naqay Booliiska iyo dhakhaatiirtaba. Isaga oo muujiyay sida uu ugu faraxsan yahay sida loo tolay iyo caawimada loo fidiyey.