Maadayska Googooska: Caalim Illaaway In Uu Tago Xafladdii Arooskiisa Iyo Bakhaylkii Liintu Ka Xumaatay

0
627

Hargeysa (Geeska)- Qormadan waxa uu Geeska Afrika akhristayaashiisa kula wadaagayaa laba qiso oo maadays ah, balse tan hore ay tahay xaqiiqo ku sugan taariikhda oo dhacday.

Caalimkii illaaway xafladdii arooskiisa:

Louis Pasteur: Waxa uu ahaa caalim ku xeeldheer cilmiga sayniska oo u dhashay dalka Faransiiska, marka laga tago culuumtii tirada badnayd ee uu soo kordhiyey saynisyahankan oo noolaa intii u dhaxaysay sannadihii 1822kii illaa 1895kii waxa uu sumcad aad u weyn ku helay kaalintii muuqatay ee uu ku lahaa baadhista sababaha cudurrada iyo hababka ugu fiican ee looga hortegi karo.

Saynisyahankani ceebta uu lahaa waxa ay ahayd ilowshiyaha oo si aan caadi ahayn ugu badnaa, dad badan ayaana la yaabi jiray awooddiisa maskaxeed ee dhinaca cilmiga iyo lafagurka masalooyinka sayniska iyo haddana sida sahalka ah ee uu waxyaabo badan oo qaarkood aanu sida caadiga ah qofku illaawin isagu u illaawi jiray. Waxase ay ugu darnayd maalintii uu illaaway ka qaybgalka xafladdii arooskiisaa ee dhacaysay.

Markii gabadhii aroosadda ahayd, martidii iyo qaban-qaabayaashii xafladdu ay muddo sugayeen Loius Pasteur, ayaa kuwii ay aadka isugu dhowaayeen oo ku ogaa ilowga faraha badan ayaa waxaa markiiba galay dareen ah in ay suurtogal tahay in uu saynisyahanku illaaway xafladda arooska ee sugaysa. Kadib saaxiibbadii ayaa ka soo raadiyey xaruntiisii shaybaadhka oo aanu inta badan ka tegi jirin. waxaana yaab iyo amakaag ku noqotay markii ay u yimaaddeen isaga oo haba yaraato ee aan xasuusnayn in xafladdii arooska oo si caadiya isaga wata hawlmaalmeedkiisii.

Bakhaylkii liinta iibsaday:

Nin bakhayl ah ayaa soo iibsaday saddex xabbo oo liin macaan ah, xabbadii koowaad ayaa uu diirka ka siibay, si uu u cuno, laakiin nasiib darro waxa uu arkay in ay qudhuntay, waa uu tuuray, tii labaad ayaa uu jeexay markaasu arkay in ay iyaduna xumaatay, markaasuu iyadiina tuuray. Kadib inta uu kacay ayaa uu iska bakhtiiyey laydhkii qolka, isaga oo doonaya in aanu arkin xabadda saddexaad, in ay qudhuntay iyo in kale, waayo ma’ uu doonayn in uu tuuro, si kasta oo ay tahayba.