Rajo Laga Qabo In Dadka Dhegaha La’ Loo Abuuro Hab Ay Carrabka Wax Ku Maqli Karaan

0
589

Washington (Geeska)- Cilmibaadhayaal ka tirsan jaamacadda Colorado ee dalka Maraykanka ayaa ku guda jiro hawl cilmi ah oo ay doonayaan in ay ku soo saaraan hab suurtogelin kara in maqalka loo soo celiyo dadka dhegaha la’ laakiin markan waxa xubinta ay dareenka maqalka u adeegsanayaan aanay dhegta noqon ee carrabkooda ay isticmaalaan.

Xeeldheerayaashani waxa ay doonayaan in ay soo saaraan qalab tiknoolajiyad ah oo u shaqaynaya sida qalabka Bluetooth ka loo yaqaanno, habka uu u shaqaynayaana waa in marka hore qofka dhegaha la’ qalniin yar lagaga sameeyo carrabka kadibna qalabkan oo aad u yar lagu beero.

Cilmibaadhayaashu waxa ay aaminsan yihiin in qalabkan cusubi uu la awood iyo shaqo yahay qalabka haddaba dhegaha inta la qalo lagu soo beero ruuxa dhegaha la’ si uu wax u maqlo, laakiin waxa uu kaga duwan yahay dhinaca fududaydka oo aanu hawl badan u baahnayn iyo qiimaha oo aad uga jaban habkaas kale, sidoo kale waxa uu xal u yahay dhibaatada hore u jirtay oo ahayd in qalabkaas dhegta gudaheeda lagu soo beeraa aanu dadka dhegaha la’ oo dhan ku habboonayn ee uu dadka qaar uun ahaa, halka habkan cusubi uu qof kasta ku habboon yahay.