Dabeecadda Abuurka Ah Ee Aadamaha Ayaa Ah In La Is Khilaafo, Laakiin Sirtu Waa Hadba Sida Loo Xakameeyo

0
655

Khilaafku waa qayb ka mid ah nolosha, oo aadamuhu uu si maalinle ah ula kulmo. Abuurta Alle ayaa dadka kala du’day, sida aanay laba qof isugu qaldami kari ayaa dabeecaddooda, abuurtooda, hab-dhaqankooda iyo cabbiraaddooda aragtiduna u kala duwan t ahay.

Waxaa laga yaabaa in sababaha aynaan inta badan u murmin in ay tahay arrimaha guud ahaan aynu ka midaysannay ama isku aragtida ka nahay oo ka badan kuwa aynu isku khilaafsannahay. Sabab kalana waxa ay noqon kartaa innaga oo aan jeclayn in la kala go’o sidaa awgeed marar badan aragtiyaheenna is khilaafsan dib u dhiganna, indhahana ka lalina wax badan oo aynu isku diidannay.

Qormadan oo uu Geeska Afrika soo turjumay, waa qodobbo xeeldheerayaasha cilmiga bulshadu ay sheegeen in ay inta badan sababaan is khilaafka dadka, waxa aanay kala yihiin:

1. Isku dhaca shakhsiyadeed: Caadii ahaan abuurta shakhsiyadeed ee dadku waa ay kala duwan tahay, dabeecado iyo hab fikir kala fog ayaa oo aan inta badan iska yeel yeel ahayn ayaa uu qof kasta Alle u gaar yeelay. Qofka doonaya in uu ka taxaddar khilaafaadka badan waxaa la gudboon in uu ugu horreynba u qiro kala duwanaantaas aanu aadamuhu daweyn karayni in ay jirto. Sida keliya ee uu kaga gudbi karaana waa in uu tixgeliyo kala duwanaantaa shakhsiyadda labada qof, isaga oo aan u arkayn in ay xujo iyo dhibaato ku tahayna uu ka fikiro habka ugu fiican ee uu u abuuri karo wax ay isku waafaqsan yihiin si uu uga maarmo ka hadalka iyo ka wada shaqaynta waxa aanay isku waafaqi karin. 

Ogow oo dadku waxa ay u kala bulsho badan yihiin sida ay ugu kala xariifsan yihiin maamulista iyo xakamaynta kala duwanaanshiyaha sakhsiga ah ee dadka u dhexeeya.

2. Jawaabta is difaaca ah: Dadka oo dhan waxaa ku abuuran dabeecad ah, “Duul ama dagaallan” Mar kasta oo xaalad adagi ay ka hor timaaddo qofka, ayaa ay arrintani ku soo dhacdaa oo markaba waxa uu is tusaa in labada jid ee keliya ee u furani ay yihiin in uu dagaal iyo halgan adag ku waajaho ciddaas ama arrinkaas iyo in uu ka fogaado oo uu baxsado. Taas macnaheedu waa in dadku ay dabeecad ahaanba u doortaan khilaafku uu ku dhammaado dagaal iyo iska horimaad run ah, ama muran laba qof dhex maray uu dhaqso isugu beddelo dagaal gacan ka hadal.

Waa aragti qaldan oo in badan keenta khasaare laga maarmi lahaa iyo in qofku arrin uu si sahal ah u dhammayn kari lahaa ku kallifo in uu dhib geysto ama loo geysto. La soco…