12 Gaadhi Oo Uu Dhulku Liqay Dalka Maraykanka Iyo Masuuliyiin Ka Hadlay Arrintaas

0
537

Picture5Washington (Geeska)- Wargeys ka soo baxa gobolka Mississippi ee dalka Maraykanka ayaa dhowaan baahiyey war naxdin leh oo sheegaya in goob gaadiidka la dhigo oo dhulku si lama filaan ah hoos u go’ay ay keentay in ay degaan 12 gaadhi.

Wargeyska Meridian Star oo soo xiganaya masuuliyiin deegaankaas ah ayaa sheegay in ballac dhan 37 miitir oo dhulka ahi uu hoos u go’ay goor fiidnimo ah, halkaasna ku liqay gaawaadhi isugu jirta kuwo yaryar iyo kuwo xamuul ah oo dhexe, laakiin wax khasaare nafeed ah aanay arrintani sababin.

Buck Roberts oo ah agaasimaha badbaadada guud ee deegaanka Meridian ayaa sheegay in aanay weli caddaan sababta shilkan keentay, laakiin wargeysku waxa uu sheegay in goobtan dhulku hoos u go’ay ay ka ag dhowdahay xarun dhulka hoostiisa ah oo biyaha roobabka ka dhashaa ku shubmaan, in kasta oo aanay caddayn arrintani ka mid tahay sababta keentay dhul go’an. Masuul kale oo isna wargeyska Meridian u warramayna waxa uu sheegay in roobabku ay noqon karaan sabab caawisay sababo kale oo aan weli la garan oo keenay dhul go’an.