Dagaalka Diblumaasiyadda: Madaxweynaha Turkiga Oo Obama Uga Jawaabay Ficil Uu 3 Sano Ka Hor Ku Kacay

0
456

Picture1Ankara (Geeska)- Warbaahinta dalka Turkiga iyo meelo kale oo dunida ka mid ah ayaa faafisay sawirrada madaxweynaha Turkiga Rajab Dayib Erdogan oo fadhiya xafiiskiisa talefankana ku hadlaya iyada oo dhinaciisana uu yaallo sawir ah qori laga qoray gacan shanteeda farood afar ka mid ahi kor u taagan yihiin suulkuna laaban yahay, qaabka loo tilmaamo tirada Afar, taas oo ah astaanta dad badani ku xusuustaan fagaarihii Raabica Al-Cadwiya ee magaalada Qaahira dalka Masar, oo saddex sano ka hor ay ciidamada Masar ku xasuuqeen kumannaan qof oo isugu yimid si ay u muujiyaan dareenkooda ka soo horjeeda afgembigii uu talada Masar ku qabsaday Madaxweynaha hadda Cabdifataax A-Siisi.

Gacantan dhinac taalla madaxweyne Erdogan waxaa ku hoos qoran ereyo afka carabiga ah oo macnahoodu yahay, “Wadan Keliya – Ummad keliya – Calan keliya – iyo Dawlad keliya” kuwaas oo dad badani u fasirteen in looga jeedo in Muslimku uu yeesho dawlad keliya ee midaysan.

Sawirkan ayaa laga soo qaatay bogga uu barkulanka bulshada ee twitter ku leeyahay la-taliyaha madaxweynaha dalka Turkiga Mustafa Faarnaak oo sawirkan inta uu soo dhigay ku hoos qoray, “Shalay ayaa uu madaxweynaha jamhuuriyadda Rajab Dayib Erdogan talefanka kala xidhiidhay madaxweynaha dalka Maraykanka Barak Obama, oo ay muddo 50 daqiiqo ah ka wada xaajoonayeen xaaladaha gobolka”

Degelka Haberler ee dalka Turkiga oo arrintan ka faallooday ayaa sheegay in sawirkani uu xusuusta dadka dib ugu soo celinayo sawirkii ay warbaahinta dalka Maraykanku faafisay saddex sano ka hor mar uu madaxweyne Obama oo xafiiskiisa fadhiya talefankana kala hadlayey madaxweynaha Turkiga Rajib Dayib Erdogan sannadkii 2012ka isaga oo gacanta ku haya budh ah ka lagu laliyo kubadda baseball ka.

Warkan oo uu Geeska Afrika ka soo xigtay shabakadda Aljazeera ayaa intaas ku daraya in saddex sano kadib, uu madaxweyne Erdogan go’aansaday in uu sawirkaas ka bixiyo jawaab u dhiganta, sidaa awgeedna uu faafiyey sawirkan ay ag taallo gacantan xilli uu talefanka kala hadlayey Obama.

Wakaaladda wararka ee Andoulu ee dalka Turkiga ayaa sheegtay in labada madaxweyne ay salaasadii Dorraad 10 Noofambar ka wada hadleen xaaladihii u dambeeyey ee Suuriya iyo la dagaallanka argagaxisada, iyo sidoo kale in culays dagaal la saaro ururka DAACISH lana taageero jabhadaha qunyar socodka ah ee dalka Suuriya ka wada dagaalka ka dhanka ah Bashaar Al-Asad.

Sawirkan ayaa ah astaan xadhig iyo ciqaab lagu mutaysto dalka Masar oo ay dawladdu u aragto in qofka lagu arkaa uu taageersan yahay ururka Akhwaanul Muslimiin maadaama oo dadkii ay ciidamadu xasuuqeen ay ahaayeen taageerayaasha dawladdii akhwaanka ee uu hoggaaminayey Maxamed Mursi. Farriinta kale ee sawirkani sido ayaa ah in Turkigu uu weli dunida tusayo in uu taageersan yahay dawladdaas la afgembiyey oo si dimuqraaddi ah marka hore loo soo doortay, Maraykankana uu si gaar ah ugu sheegayo in aanu Turkigu la dhacsanayn xidhiidhka Obama la yeeshay Masar.

Budhka uu madaxweyne Obama gacanta ku hayey ayaa marka laga tago waxa loogu talogalay oo ah ciyaarta kubadda baseball waxaa sidoo kale loo adeegsadaa dagaalka gacan ka hadalka.