Buur Figteeda Ayey Ku Gashay Sawirro Anshax Xumo Ah Markaasaa Lagu Eedeeyey, In Ay Sababtay Dhul Gariir

0
692

Picture7London (Geeska)- Haweenay dalxiise ahayd oo u dhalatay dalka Ingiriiska ayaa iyada iyo koox dalxiisayaal ah oo u dhashay dalalka reer galbeedku ay ku jiraan xabsi ku yaalla dalka Malaysiya oo ay ku qaadanayaan xukun saddex bilood ah oo ay maxkamadi ku ciqaabtay kadib markii lagu helay eedayn ah in ay dharka la baxday mar ay sawirro iska qaadaysay figta sare ee mid ka mid ah buuraha dalxiiska loo tago ee dalkaas. Dadka deegaanka ayaa si aad ah uga cadhooday ficilka haweenaydan oo ay ku canaantay in ay sawirro dhaqan xumo ah ku gashay buurtan oo ay u arkaan in ay tahay buur barakaysan.

Booliiska dalka Malaysia ayaa xabsiga u taxaabay Eleanor Hawkins oo 23 jir ah iyo toban qof oo la socday waxa aanu ku soo oogay dacwaddan la xidhiidha anshax xumada ee ay ku kaceen mar ay ku sugnayd figta buurta buurta Kinabalu oo ugu dheer Malaysia, 30kii May 2015ka. Lix toddobaad kadib ficilkoodanna waxaa dalka Malaysia ka dhacay dhulgariirkii tobannaan sano ugu weynaa ee dalkaas ka dhaca, agagaarka buurtanna waxa uu dhul-gariirkaasi ku dilay ugu yaraan 18 ruux oo ah dadkii buurta fananayey.

Warkan uu Geeska Afrika afsoomaali u turjumay oo ay baahiyey wargeyska Daily Mail ayaa lagu sheegay in haweenaydan iyo saddex ka mid ah dadka la xidhan la qabtay mar ay ka sii ambabaxaysay dalka Malaysiya oo ay ku sugnayd gegida diyaaradaha.

Dadka Malaysia oo boqolkiiba oo boqolkiiba 70 ah muslim sunni ah ayaa si aad ah uga cadhooday sawirka gabadhani ku gashay buurta oo ay faafisay, qaar badan ayaana aaminay in dhul gariirka ka dhacay dalka ee buurtanna dadka ku laayey uu ahaa cadho xagga Alle ka timid oo jawaab u ah ficilkaas anshax xumada ah, arrintaas oo dawladda dalkaas saartay culays badan oo ku qasbay in ay dhaqso tallaabo uga qaaddo dalxiisayaashan.