20 Shay Oo Haddii Aad Samayso Marka Aad 30 Jir Tahay, Noloshaada Wanaajin Doona Marka Aad 50 Gaadho (Q:3)

0
614

Picture6Hargeysa (Geeska)- Waa Qaybtii saddexaad ee qormadii uu Geeska Afrika soo turjumay ee qoraaga lagu magacaabo Beth Buczynski kaga waramayey arrimo ay fiican tahay in uu qofku qabto inta aanu 50 jir gaadhin. Qoraagu waxa uu jilayaa xaaladda dad markii ay 30 jir ahaayeen samayn jiray arrimahan uu ka digayo oo uu soo waraystay iyaga oo hadda markii ay 50 iyo ka weyn gaadheen aad u qoomamaynaya.

8. Habeen dib ha u dhigin ka dhabaynta ujeedooyinkaaga nolosha:

 “Ma in aad guri iibsato ayaa aad rabtaa? Ma guur iyo ubad ayaad dhisi lahayd? Ma buug baad qori lahayd? Ma shahaado jaamacadeed oo kale ayaad diyaarin lahayd, ama si kale ayaa aad waxbarashadaada kor u qaadi lahayd?o kale ayaad diyaarsan lahayd? Ma shaqada ayaad iska beddeli lahayd? Ma siyaasadda ayaad geli lahayd, ama tartan u geli lahayd xafiis dadweyne? Ma ganacsi ayaa aad bilaabi lahayd? Haddii aad mid uun ka mid ah su’aalahan aad HAA kaga jawaabtay, ama aad mid la mid ah niyadda ku hayso, oo ay da’daadu Soddon gaadhay, maanta oo aan berri ahayn ku dhaqaaq hirgelintiisa.

“Hawl kasta bilowgeedu wuu adag yahay, laakiin guushu gaadhisteedu ma sahlana. Waxa aad ogaataa xaqiiqada ah in marka ay da’daadu 30 gaadho uu waqtigu bilaabayo in uu ku socdo xawaare aanad malaysan karin, la beretan waqtiga oo waa sida seefta ee dhaqso u goo inta aanu isagu ku goynin.

9. Hurdada ha u deymo la’aan:

Haddii aad shalay labaatan jirkaagii adkaysi u lahayd hurdo la’aanta iyo tacabka badan, durba maanta xaalku waa isbeddelayaa, oo adkaysigii yaraa, haddii aanad hadda waqtigaaga u qaybin shaqo iyo nasasho ku filan jidhkana dhaqso ayaa aad u dareemi doontaa midho aanad mahadin. “Qolkaaga hurdada oo aad madoobaysato iyo in aad habeenkii iska ilaaliso ilayska muraayadda talishanka ee casriga ah, talefannada casriga ah iyo kombiyuutarku waxa ay kaa caawinayaan in aad hurdo xasiloon seexato. Naftaada ku tababar in hawl kasta oo aad jirto habeenkii saacad go’an seexato, subaxdiina saacad go’an toosto”

10. Ilkahaaga caafimaadkooda daryeel:

“Waa qasab in aad durba u tagtay dhakhtarka ilkaha. Si uu u hubiyo caafimaadka ilkaha, kuwa wax-ka qabasho u baahanna xal u doonay, sidoo kale caafimaadka cirridka u hubiyey” Godadka ilkaha ku samaysma soo buuxso. Ogow oo xaaladda caafimaad darro ee ilkaha haddii aan dhaqso loo xallin waa ay ka sii dartaa uun, hadhowna waa kharashka oo sii kordhay iyo xaaladda oo aan sidii ugu habboonayd waxba looga qaban. La soco…