Bushaaro U Gaar Ah Dadka Bidaarta Leh: Maqaaxi Cusub Oo Qiimo Dhimis U Samaysay Macaamiisha Bidaarta Leh

0
824

Picture9Tokyo (Geeska)- Maqaaxi cusub oo dhowaan laga furay magaalada Tokyo ee xarunta dalka Jabaan ayaa si ay dadka bidaarta leh ugu dhiirri geliso in aanay bulshada ka duwanayn waxa ay macaamiisha bidaarta leh ee cuntada iyo cabbitaanka u soo doonta u samaynaysaa qiimo dhimis aanay heli doonin macaamiisha dhiggooda ah ee aan bidaarta lahayni. Yoshiko Toyoda oo ah mulkiilaha maqaaxidan oo sheegay in ujeedada uu sidan u yeelay ay tahay in dadka bidaarta leh lagu dhiirri geliyo in aanay qarin bidaartooda ayaa waxaa hadalladiisa ka mid ahaa, “Bidaartu waa arrin aad xasaasi uga ah Jabaan, laakiin jilayaasha Hollywood waxaa ku jira rag badan oo bidaar leh oo haddana aan dan ka lahayn, si kalsooni iyo han weyni ahna waajibaadkooda shaqo u guta… waxa aan aaminsanahay in ay arrin fiican tahay inaynu ruuxda noocaas ah dalkanna ka dhiirri gelinno” hudheelkan waxaa magaciisa la yidhaahdaa ‘Otasuke’ oo ah erey afka dalkaas ah oo macnihiisu noqonayo “Gacmaha caawimada” waxaana lagu sameeyaa cuntooyinka ay aadka u jecel yihiin ragga dhalinyarada ah ee dalkaas oo weliba qiime aad u jaban laga siiyo.

Nin caan ku ah dadka ka shaqaysta timo beerista ee dalka Jabaan oo lagu magacaabo Aderans ayaa sheegay in bidaartu aanay sida dunida reer galbeedka ugu badnayn dalka Japan, balse haddana ay tirada ragga bidaarta lihi marayso boqolkiiba 26 marka loo eego tirada guud ee ragga, marka laga tago hiddahana waxa ugu badan ee ay dadkaasi u sibir saaraan timaha ka daatay waa shaqada oo adag iyo saacadaha badan ee la shaqaynayo.