Boqoradda Ingiriiska Oo Raadinaysa Qof Shaqaale Ah Oo Nadiifiya Xanjada Lagu Dhex Tufo Qasrigeeda

0
553

Picture7London (Geeska)- Boqoradda dalka Ingiriiska Elizabeth II ayaa raadinaysa shaqaale nadaafadeed oo cusub, oo ay doonayso in ay u xilsaarto hawlo ka duwan kuwa kale oo ah in uu isagu si gaar ah u raadiyo una tirtiro xanjada ay dhulka gudaha mid ka mid ah qasriyadeeda ku tuuraan dadka booqashada ku imanayaa. Ogeysiiska shaqadan ee aqalka boqortooyadu faafiyey ayaa lagu sheegay in shaqada qofkan laga rabaa ay tahay qasriga Holyroodhouse oo ay boqortooyadu ku leedahay magaalada Edinburgh ee xarunta Scotland, waxaana sannadkii la siin doonaa lacag u dhiganta 25,678 (Shan iyo Labaatan Kun, Lix boqol iyo Toddobaatan iyo Siddeed) doolarka Maraykanka ah, isaga oo toddobaad kastana shaqayn doona 20 saac oo keliya.

Qasrigan ayaa ah hoyga rasmiga ah ee boqoradda iyo weliba goobta dalxiis ee ugu caansan Scotland waxaana sannadkii soo boqda dalxiisayaal tiradooda lagu qiyaaso illaa 250 kun oo qof. Warkan oo uu Geeska Afrika ka soo xigtay The Sun oo ka soo baxa dalka Ingiriiska ayaa intaas ku daraya in boqortooyadu ay diidan tahay in dadka dalxiisayaasha ahi ay xanjadooda ku dhejiyaan gidaarrada ama ku tufaan dhulka ama ay kuba dhejiyaan aataarta qaddiimiga ah ee qasrigan oo lagu sheegay in qiimahooda wax loo dhigaa aanu jirin.

Hawlaha kale ee qofkan shaqaalaha ah loo diri doono ayaa ah in uu toddobaad kasta hal mar nadiifiyo, gidaarrada, sallaamada iyo suuliyada, in uu boodhka ka masaxo walxaha macdankta ah iyo qalabka gurigan. Qofka shaqadan soo doontana waxaa laga rabaa in uu noqdo in uu yahay qof saacadaha shaqadiisa dhowraya, gaar ahaan marka ay boqoradda iyo xubnaha kale ee qoyska boqortooyadu joogaan qasriga ama ay ka dhacayaan xafladaha soo dhoweynta ee rasmiga ahi.