Madaxweyne Siilaanyo Oo Xalay Saqdii Dhexe Soo Saaray Magacyada Lix Xubnood Oo Buuxiyay Shuruudaha Ka Mid Noqoshada Guddiga Doorashooyinka Qaranka

0
501

untitledHargeysa(Geeska)-Madaxweynaha SomalilandMd. Axmed Maxamed Siilaanyo ayaa xalay saqdii dhexe soo saaray magacyada lix xubnood oo loo xulay ka mid noqoshada guddiga cusub ee doorashooyinka qaranka. Sida lagu sheegay warsaxaafadeed uu soo saaray afhayeenka madaxtooyada Axmed Saleban Dhuxul, wuxuu Madaxweyne Siilaanyo shirguddoonka golaha wakiilada u gudbiyay lix xubnood oo uu sheegay inay buuxiyeen shuruudihii ka mid noqoshada guddiga doorashooyinka qaranka, waxaana maqan xubinta toddobaad oo ah xubintii xisbiga Waddani oo uu isla shalay dib ugu celiyay Dr. Maxamed Cismaan Fadal oo uu Madaxweynuhu sheegay inaanu buuxin shuruudihii loo baahnaa.

Warsaxaafadeedka Madaxweynaha ayaa wuxuu u dhignaa sidan:  “Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland, Mudane. Axmed Maxamed Silaanyo

waxa digreeto madaxweyne oo sumadeedu tahayJSL/M/SHGW/081-2813/102014,

Shir-guddoonka Golaha Wakiillada Jamhuuriyada Somaliland ugu gudbiyey Xubnaha Guddida Doorashooyinka Qaranka ee buuxiyey shuruudihii looga baahnaa, kuwaasi oo ka kooban lix xubnood oo cusub bedelna u noqon doona Xubnihii hore komishinka Doorashooyinka Qaranka ee wakhtigoodu dhamaaday.

Ujeeddo Madaxweyne:     Soo Gudbin Xubno, Guddida Doorashooyinka Qaranka

Mudanayaal,

 Sida aad la socotaan, waxa dhammaad ku dhaw muddo xileedka Guddida Dorashooyinka Qaranka. Sidaas darteed, waxa lagama-maarmaan ah in aan beddelkoodii idiin soo gudbiyo.

 

Haddaba, waxaan si sharaf iyo qadarin mudan idiinku soo gudbinayaa Lix (6) Xubnood oo ka mid noqon doona xubnaha cusub ee Komishanka Doorashooyinka Qaranka oo ay soo gudbiyeen dhinacyadii uu sharcigu awoodda u siiyey soo xulidda saamiga kaga beegan si waafaqsan hab-raaca ku qeexan Xeerka Doorashooyinka Madaxtooyada iyo Golayaasha Deegaanada Xeer No.20/2001, Qodobkiisa 11, Faqraddiisa 2aad.

 Magacyada Xubnaha cusub ee buuxiyey shuruudihii xubinnimo ee looga baahnaa sida uu dhigayo Xeerka Doorashoyinka Xeer No.20/2001 Qodobkiisa 12 waxay kala yihiin:-

Xubnaha Madaxweynuhu soo Xulay:

1.     Mudane, Maxamed Jaamac Maxamed.

2.     Mudane, Maxamuud Jaamac Wacays.

3.     Marwo, Kaltuun Sheekh Xasan Cabdi.

Labada Xubood ee Golaha Guurtida:

 1.     Mudane, Siciid Cali Muuse.

2.     Mudane, Cabdi-qaadir Iimaan Warsame.

 Xubinta Xisbi UCID:

 1.     Mudane, Cabdi-fataax Ibraahim Xassan.

 

Waxaan soo jeedinayaa inaad xubnaha si dhakhso ah uga gudataan waajibaadkiina Dastuuriga ah.

 Fiira-gaara;

 1)   Xubinta ka dhiman Xubnaha Guddida waxaan soo gudbin doonnaa markay buuxiso shuruudaha

2)   Waxa halkan ku lifaaqan CV-yada Xubnaha Cusub.