Wasiir Shukri Xariir Oo Madaxweynaha Ku Bogaadisay Guddiga Doorashada Ee Uu Xulay

0
525

Hargeysa(Geeska)-Wasiir xigeenka arrimaha shaqada iyo bulshada Marwo Shukri Xariir Ismaaciil, ayaa Madaxweyne Siilaanyo ku bogaadisay xubnaha uu u xulay inay buuxiyeen shuruudaha ka mid noqoshada guddiga doorashada.

Marwo Shukri, waxa ay Madaxweynaha si gaar ah ugu bogaadisay haweenayda uu u xulay inay ka mid noqoto guddiga doorashada Marwo Kaltuun Sheekh Xasan. “Waxaan madaxweynaha ku bogaadinayaa lixda xubnood ee uu u xulay inay buuxiyeen ka mid  noqoshada guddiga doorashooyinka qaranka. Waxaan si gaar ah Madaxweynaha ugu bogaadinayaa magacaabista Marwo Kaltuun oo aan hubo inay buuxin doonto jagadaas oo ay aqoonteeda iyo kartideeda leedahay. Anigoo haweenka ka wakiil ah waxaan madaxweynaha leeyahay hambalyo.” Ayay tidhi Shukri Xariir Ismaaciil.

Waxa ay Wasiir Shukri  xubnaha guddiga doorashada u rajaysay inuu Alle u fududeeyo xilkaas culus.