Bishaaro: Xerta Jacaylka Waxaa La Ogeysinayaa In Hadda Kadib Ay Jacayl Iib Ah Dkuumada Ka Heli Doonaan

0
651

Zurich (Geeska)- Cilmibaadhis lagu sameeyey dalka Switzerland ayaa daahfurtay in mustaqbalka dhow ay suurogal noqon doonto in dukaamada laga iibsado dawooyin qofka ka caawinaya wax ka beddelka hab-dhaqankiisa bulsho. Waxa ay natiijada cilmibaadhistani si gaar ah u xustay in lammaanayaasha is-qaba iyo dadka is-jecel ay dawadani xidhiidhkooda jacayl sii xoojin doonto. Cilmi baadhistan oo uuu Geeska Afrika uu muddo ka hor ka soo xigtay Talefishanka Al-Carabiya waxa lagu sheegay in khubaro ku takhasustay cilmiga bulshada iyo saynisku ay baadhitaan ku sameeyeeyn hormoon dabiici ah hooyada uurka leh jidhkeeda ku bata marka ay dhalayso. Hormoonkaas oo fududeeya in hooyadu godlato isla markaana la aaminsan yahay in uu aasaas dareenka ah in hooyadu ilmaheeda naas nuugga ah u qabto jacayl aan xad lahayn.

Majaladda Biological Psychology (Cilmi-nafsiga Bayoolojiga ah) oo ka faalloota arrimaha cilmi nafsiga iyo sayniska ayaa baahisay maqaal ay ku faahfaahinayso saamaynta Hormoonka Oxethazaine oo lagu naanayso Hormoonka Jacaylku uu ku leeyahay xidhiidhka lammaanaha is qaba, waxaana soo baxday in uu si weyn uga qayb qaato wanaajinta xidhiidhka lammaanaha is jecel iyo sidoo kale in khilaafka lammaanaha uu u muujiyo in uu yahay mid ay si togan oo fudud u dhamaysan karaan. Tijaabada ay khubaradu ku sameeyeen lammaane isqaba, waxa ka soo baxay in mar kasta oo hormoonkankani batay ay lammaanahan is jecel ee khilaafka ku kala maqnaa ay si fudud isugu soo dhowaadeen isuna fahmeen. Hormoonka Jacaylku waxa uu lid ku yahay hormoonka loo yaqaanno Cortisol oo isagu dhasha marka khilaaf iyo buuq dhex maro lammaanaha, sidaa awgeed haddii hormoonka jacaylk jidhka ku bato waxa uu daciifinayaa saamaynta aan fiicnayn ee hormoonka Cortisol. Shaqada hormoonkani ma’aha keliya in uu ka qayb qaato wanaajinta xidhiidhka iyo isfahamka lammaanaha is jecel, balse, sidoo kale waxa uu door muhiim ah ka ciyaaraa xidhiidhka iyo is jacaylka ka dhexeeya dadka saaxiibka ah iyo xidhiidhkoodaba. Waxa kale oo ay khubaradu rajaynayaan in daraasadahan oo ay weli soo wadaan ay ku heli doonaan qaabka ugu fiican ee hormoonkani uga qayb qaadan doono wanaajinta xidhiidhka nafsiga ah ee qofku uu la leeyahay naftiisa. Mid ka mid ah masuuliyiinta daraasaddan oo magaciisa la yidhaahdo Pett Ditzn oo ka tirsan jaamacadda Zurich ee dalka Switzerland ayaa mar uu daraasaddan ka hadlayey waxa uu qiray in hormoonka jacaylku uu kor u qaaddo saamaynta jacaylku ku yeelanayo xidhiidhka bulshada"

Ugu dambayntii waxa ay khubarada daraasaddan samaysay aaminsan yihiin in hormoonka Jacaylka looga faa'idaysan karo in la daweeyo jacayl xumada iyo kala fogaanshiyaha soo dhex gala lammaanaha is-qaba, iyada oo la ikhtiraacayo hab dawo oo hormoonkan looga faa'idaystayna in la samayn karo. Taas oo macnaheedu yahay in hormoonkan laga dhigi doono dawo mar kasta oo lammaanuhu dareemaan in jacaylkoodii hoos u dhacay ay ka iibsan karaan dukuumada dawada kadibna isticmaali karaan, si jacaylkoodu  xoogeysto.